Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Sidaan Cigaal U Aqaanay? Qoraa Aadam Musse Jibril

Hordhac:Waxay aqoonyahanada xagga maskaxda Qofka Aadamaha ku xeesha dheeri yidhaahaan: Qof kasta oo inaga mid ah waxaa ku jirta Maskax muggeedu u dhimo ama ka waynhahay Qaarrad dhan, sida Africa ama America oo kale. Laakiin Maskaxda Aadamuhu way ka nuxr wayntaha marka dhinaca hal-abuurka laga eego.

Inta badana Aadamuhu kama wada faaiideysto mana wada isticmaalo mugga iyo nuxurka maskaxdiisa Eebe ku mannaystay. Mugg-waynaanta maskaxdu waa waxa Aadamuhu kaga duwan yahay noolaha kale.

Waxaa kale oo la yidaahaa qof kasta oo inaga mid ahi waa faylasuuf dhab ah (Philosopher). Waxaa kale oo la yidhaahaa: Qof kastaa waa daahirad sideeda u taagan (phenomenon) oo qoto dheerideeda aan la koobi karan.
Haddaba, waxaa hubaal ah in qof kasta oo aad istidhaahdo waataqaan inta aad ka taqaanaa tahay hal dhibic oo badweyn ka mid ah.

Midda kalena, waa arrin aad u adag in qofka aad wax ka sheegayso aad dhexdhexaad ka noqotid, adiga oo aan u jixinjxin dhinaca dareenkaaga caadifiyadeed, una janjeedhsan dhinacyad jiclaanshaha ama necbaansha midkoodna.
Waxa sidassi yeeli kara oo keli ah qofka u go’ay oo u ban-baxy ciliml-baadhista, iyo curinta fekerka iyo oqoonta.

Cigaal Kuma Ayuu Ahaa?
Waa su’aal jawaabteeda aad la isuku khilaafi karo, mana mooggani arrinkaas, hase yeeshee haddaan u badheedo in aan isku qaado gidaarka intaa qarada iyo dhumucda le’eg, ha ila yaabina haddii aan u xagliyo dhinaca caadifada, oo ka yara durko dhabaha cilmi-baadhista iyo dhex dexaadnimada.
Runtii, anigu si toosa oo qof ahaaneed Cigaal umaan baran, ula mana shaqayn, asaga oo qof caadi ahna ma arkin, waxaan ku garaasaday asaga oo madax ah oo S.N.L. u madax ah.

Da’daydii waqtigaas waxaanu ku graadsanay xamaasaddii waddaniga ahayd iyo yuhuuntii xarakadii uu asagu hogganka u ahaa. Waxa asaga noola mid ahaa raggii kale ee xarakada waddaniga huggaaminayey, sida Maykal Maryamo, Axmed Xassan, xaaji Cumar Askar, Xaaji Xassan Geele, Sayd Axmed Shiikh Musse, iyo kuwo badan oo kale oo da’dii asaga ka dambaysey.

Laakiin, madaama uu asagu ka dhalin yaraa da’dii hore, ayaa asaga, Axmed Ismaciil cabdi Dukhsi, Ibrahim Cali Ducaale, Maxamuud Saalax nuur ( Fagadhe), Cali maygaag Samater, Axmed Yusuf Ducaale, Axmed Saciid Naaleeye Jaamac Saalax Axmed, iyo kuwo kale oo badani waxay noo ahaayeen diiradda qaan-gaadhnimada ee aanu ku hirano, dhinaca kalena anigu ma ahayn raggi xurgufaha tartanka siyaasadeed dhexmaray waqtigii dhisma dawladeedka Somaliland, manta ruuxeedana ma ahi dadka tartanka siyaasadu ka dhexeeyo, mana ahi nin damac siyaasadeed leh. Waxaan ahay ,sida dad badani la socdaan nin damac aqoonyahan leh, meel ay ila gaadhoba. Waxaa run ah in asaga iyo niman kale oo saaxiibo ahi igu kellifeen in aan saaxadda siyaadda si toosa uga muuqday mar dambe, kamase xumi hadda, waanse ka werwersanahay sida aan labada isugu wadi karo. Waana sababtii aan uga baxay markii uu geeriyooday Cigaal.

Midda kalena, ninku ma ahayn shakhsi caadi ah, ma ahayn siyaasi keliya ah, mana ahayn nin ku kooban geyigeena Somaliland ama Somaliyeede, runtiina wuxuu ahaa nin intaba ka badan kana balladhan marka, laga eego xagga adduun aragiisa iyo yuhuuntiisa intaba. Raiisal Wasaaraha Itoobya, Malas Sinaawi, ayaa mar si aan u salaano Dr.Cabdilmajiid Huseen noogu geeyey, anaga oo koox aqoonyahano sheeganayey oo Somali ah, wuxuu nagu yidhi: ‘Cigaal waa nin xeeldheere iyo khabiir ruug-cadda siyaasadeed ah, haddi uu hadda Somaliland dhisayana lama sharaysan karo, waa nin akhri yaqaan taariikhdu saday u socoto, waana in aan dhamaanteen wax ka barano inta uu nool yahay’. Waxaan huba in qaar naga mid ahi ay ka nexeen ama aanay jeclaysanin hadalka Malas sinaawi Cigaal ku amaanay.
Waana arrimahaas oo dhan dartood kuwa laga yaabo in aan dhexdhexaad uga noqon karin ka hadalka cigaal. Waa arrin aan sahlanayn, marka qofku garan karo mus’uuliyadda iyo amaanada qoraalka.

Cigaal, alla ha u naxriitee, wuxuu lahaa mug aad u wayn iyo nuxur aad sarreeya marka laga eego wacyigiisa iyo dareenkiisa adduun-araga ah, wuxuuna lahaa dhinacyo aad u badan, waxaana ka mid ahaa asaga oo ahaa nin dawlo (states man), nin fekera ama (thinker), suugaan yahan ama abwaan, nin cilmaani ah (secular) oo cilmiga si weyn u aaminsan, lakiin wuxuu isla markii ahaa nin diini ah oo diinta Islaamka aad u aaminsan aadna u yaqaan, asaga oo aan filayo in uu xataa Quraanka oo dhan korka ka xafidsanaa.

Cigaal Ma Mutacalim-buu Ahaa Mise Aqoon-yahan?

Ma jiraan u malaynayaa qof keligii intaas oo dhinac oo uu lahaa ka yiqiin, waxna ka odhan karay. Maxaa yeelay xataa qofkii damcaa inuu wax ka yidaahdo dhinac ka mid ah dhinacyadaas wuxuu u baanaanayaa cilmi-baadhis dhab ah oo uu ugu kuur kalo.
Dhinaca furaha u ah in qofku intaas oo sifooyn ah oo Cigaal lahaa yeesho waxay ku xidhan tahay sua’aashan jawaabteeda, ma mutacalim keliya buu ahaa mise indheer-garad iyo aqoonyahan?
Dhab ahaantii, waa sidaan u arko anigu’e, Cigaal wuxuu ahaa Indheer-garad sidiisa u taagan ama ‘Intellectual’.
Si aan taas u sugo, waxaan aan isku deyayaa in aan kala xadeeyo aoqoon yahanimada iyo indheer-garadnimada.
Ninkii Talyaaniga ahaa ee la odhan jirey Antonio Gramge ayaa arrinka aqoonyahanka iyo Indheer-garadka (Intelligentsia and Intellectuals), si qoto dheer leh u kala qeexay. Intelligentsia-da ama aqoonyahanka wuxuu ku sheegay dadka waxbartay oo dhan, heer kasta ha ka gaadheene, laakiin aan awoodda u lahayn in ay curiyaan aqoonta nafteeda. Wuxuuna ku tilmaamay in ay yihiin kuwo iygu quuta oo ka faaydeysta aqoonta laakiin aan hal-abuuri Karin aqoonta. Indheer-garadkase wuxuu ku sheegay aqoonyahanka qaybteeda xulka ah ee curisa fekerka iyo aqoonta.

Bal aan haddaba isku dayo in aan wax ka idhaaho dhinaciisii ugu nuxurka weynaa, ee cigaal lahaa, ee aan dadka intiisa badani dhaadi Karin.

Waxaan muddo dame fahmay dhiniciisa ah Indheer-garad iyo curiye figradeed aan sina loo yaraysan Karin, taas waxaan kula sharatami karaa diyaarna u ahay qof kasta oo daneeya aqoonata lehna dareen iyo wacyga Indheer-garadka.
Si aynu arrinkan isula eegno bal aan idin xasuusiyo warqadii uu ka akhriyey madashii shirweynhii kowaad ee dib-udhiska Somaliland ( First Conference on Reconstruction Strategies &Challenges Beyond Rehabilitation, Hargeisa, October 20-24,1998) laguna qabtay Hoolka shirarka ee Aqalka Wakiilada. Khodbadii uu ka jeediyey halkaas waxay dhalisay haddad xasuusataan muran badan iyo doodo ka yimid dhinacyo kala ujeeddo ah.
Cigaal wuxuu warqadiisaas ku yidhi : “Waxaanu nahay qabaa’il kala madax bannaan oo ay tahay in ay dawlad wada dhistaan’.Marka aad arrinkan si cilima ah oo siyaasad maalmeedka aan ku dheehnayn u eegto waa biyo kama dhibcaan inay ka turjumaya xaqiiqada ka jirta geyigeena iyo guud ahaanba Africa.
Hab dhaqan-dhqaale oo soo jireen ah kuna salaysan Qabaa’il iyo hab dawladeedkii gumaysigii reer galbeedku keenay,. Iyo baahi loo qabo qaabka dawladnimada shisheeyuhu keenay iyo waayo-aragtideedii laga dhaxlay in lagu dhaqmo lana adkeeyo haddi la rabo in casrigan manta jira la higsado si horuumar loo gaadho.
Weedhan aan soo xiganayaa runtii ma aha weedh keliya oo si toosa loo turjumi karo. Waa waxa loo yaqaan mafhuum ama aragti guud oo cilmi ahaaneed (scientific Concept). Waana mid ka turjumaysa xaqiiqo la taaban karayo oo laba dhinac ah, waa mide waxa ay sheegeysaa waxa ay bulshadeenu ka koobantahay iyo in ay tahay qabaail ee aanay jirin waxa loo yaqaano dabaqaad ijtimaaci ahi ama ‘Social classes’. Midda kalena ay meesha ka maqantahay waxii saldhiga u noqon lahaa dawladnimada oo ahaa dhaqaale-biir (Capital accumulation) iyo waayo-aragtida iyo dhaqanka kala danbaynta iyo u hoggaansanaanta jaranjarada maamulka dawladimo.
Sida darteedna ay adagtahay sida dawld looga dhiso bulsho ka kooban ama ku dhisan qaab dhaqan-dhaqaale oo qabiilnimo ku dhisan.
Runtiina arrinkani ma ah mid ugub ah oo aan hore looga hadlin, waa arrin ay culimo badani hore uga hadashay. Maxaa yeelay waa xaalad guud ahaanba manta Africa ka taagan, haba ugu darrato xaaladda Somalida’e.
Hadda, waxaa aniga weyli dhawaaqeedu ii sii baxayaa ‘kala madax bannaan’
Haddaba, weli ma ka fekertey sida qabaailkeenu u kala madax bannaan yihiin, iyo sida kala madax-banaanidaasu carqalad ugu tahay dismaha dawladnimada.
Xalka loo baahan hayay waa kan Madaweyne Cigaal inoo horseeday, oo ah in la isku dhafo labada nidaam, kan dhaqanka iyo kan dhimoqoraadiyada xisbyada badan. Taas bay Somaliland ku soo biirisay
qaabka dhisma dawladeeka Africa, waana meeshay ay ku jirto indheer-garadnimadii Cigaal.

Aadan Muuse Jibriil
adamjibril@hotmail.com




Leave a Reply