Taliyaha AMISOM oo sheegay inay dhameystireen Qorshihii lagu furayay jidka Isku xira Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo

Salaasa, Abriil 02, 2013 (SM) — Taliyaha ciidamada AMSIOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo is-garabsanaya ay ku guuleysteen inay furaan waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo dhirirkeedu yahay 241-km.

Jen. Gutti wuxuu sheegay in ciidamadooda ay si nabadgalyo ah uga gudbeen jidka isku xira Baydhabo iyo Buur-hakaba kaasoo ah jidka muhiimka ah ee isku xira Muqdisho iyo Baydhabo.

“Waddadan waxay muhiim u tahay isku socodka dadka iyo gaadiidka isaga gooshaya Baydhabo iyo Muqdisho. Sidoo kale waa mid u furan inay maraan hay’adaha ka shaqeeya gargaarka, lana mariyo gargaarka laftiisa,” ayuu yiri Jen. Gutti.

lasanod-300x225

Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay si caadi ah isaga gudbayaan Muqdisho iyo Baydhabo iyo Jowhar iyo Marko, isagoo xusay in taasi ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay dowladda Soomaaliya ayna fuliyeen ciidamada Iskaashanaya ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

“AMISOM waxay sii wadaysaa la shaqeynta ciidamada dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxaan dowladda Soomaaliya ka tageraynaa sidii ay ammaanka dalka dib ugu soo celin lahayd,” ayuu Jen. Gutti ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Talaado ah.

Ciidamada fara badan oo ka tirsan kuwa AMISOM oo wata gaadiidka isugu jira taangiyo iyo kuwa gaashaaman ayaa shalay gellinkii dambe illaa xalay gaarayay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaasoo maray dhinaca dhulka.

“Jidkan isku xira Muqdisho iyo Baydhabo wuxuu inoo sahlayaa inaan ka howl-gallno deegaanno badan oo ku yaalla Soomaaliya, si ay dadka shacabka ah howlahooda u qabsadaan iyagoo haysta nabadgalyo iyo xorriyad,” ayuu yiri Jen. Gutti.

Ciidamada AMISOM ayaa tan iyo sannadkii hore waxay howlgallo ay kula dagaalamayaan Al-shabaab ka billaabeen deegaannada ka baxsan Muqdisho, iyagoo ku guuleystay inay qabadaan deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.