Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada soomaalilaand ee xorta ah iyo dhamaan shacabka sharafta iyo qaaya leh ee reer soomaalilaand, salaan kadib ku soo dhawaada tixdan gaaban ee la magac
Â
Tix gabaya oo ah Jawaantii Wasiir Xirsi.By Abwaan Cabdiwelli Yalas

Dada gabay beryahan joojiyoo, daayay tebintiiye
Dabacay-ga waataan ka jaray, dihasha-diisiiye

Ma dareerin oo-waa-yadaa, xidhay dukaankiiye
Markaan se daa i dhaahaa, midbaa igu dirqa yuune.

Xirsiyoow dabuubtaadi gabay, deelki noo yimiyeÂ
Duubcad adigu aad soo dirto, gaadh dablaa sidaye
Dayn buu ku qaatiyo gashay, doodi maraysaaye
Balse waan ku diirsay anigu,dogon-se yeelkiiye.
Â
Afartaa sidii ina dubiyo, faarax ma u daadshay
Afar kale sidii dawlisyada, dilig ma raacsiiyay
Damiin looma qariyee runtii, daah muga qaaday
Dayixiyo cirjiidhaha miyaan,daawashada geeyay.
Â
Waa dariiqa keliyan wax badan, kugu dareensiine
Tixdan baan dawaar soomarshoo, kuu dulmarayaaye
bal damaaqa geli waa tan oo, dooxo waad garane
Sawtii nimaan daacad hayn, gaalka laga doortay.
Â
Â
Duub-baa laguu xidhay wasiir, kaa dawayn adiye
Idigoo dalxiisoo ninyoow daadax lagu leeyay
Oo madaxadi kaa door-lahayd kula dadaalayso
Mahaboona gabay inaad digtiyo hadle deelqaafe.

Dayixiyo cirjiidhaha miyaan,daawasha geeyay.
Â
Weli diric yarbaad too, hadeer digada dhaafuune
Aan weli macnaa dawlad iyo, baran distoorkeede
Inkastaad dadaalaysid oo, dadan baro dheertayÂ
Dugsiyada waxaa lagu dhigtaa tii dura ee garo e.
Â
Nabsi-baa der-dera maalin-tii doobi buuxsamo e
Daalinkii Sadaam iyo bal daya daaha(1) waxa gaadhay
Bal dir kii fircooni-ga(2) dayaay, debeday seexdaane
Asad Dabaci (3)uu dhalay bal daya, dawgi ka habawyeÂ

Dawarsiga wixii gaaladiyo, carab ku deeqaayo
Dekediyo waxaa lagu gataa, guudka doonyaha e
Basmitigii(4) la soo daabulee, duurka lala aaday
Malaa adaa dilaalee ninyow, lama dabooleene.
Â
Â
Danyartii cashuurtay baxshaan, kama dawaysaane
Umaddeeni daad baa la tegay dooxu soo rogo e
Madaxdana gawaadhay dirtaan, kuna dekeeyaane
Foorwiil darayf(5)kaan wadini, wuu dabayshada e.

Ninkii uu adeer dad u dhacee, daaro badan yeesha
Ama darajo beeniyo ku tolo, magacan duugoobin Â
Garo kuwii daraad laga diraye, dumiyay soomaali
Dariiqay mareen baa hurane, daamur ha ogaado.
Â
Â
Â
 In kastoon dunida waa ogee, cidi ku daahaynin
In kastoo ruuxii mawdku dili cidi ka dayraynin
Dantaguud kuwii loodiree, diinta lagu dhaashay
Ayuun baaba dayrada wadoo, daasadaa tuma e.

Markii uu dugaagii shiray, dayo khiyaamaysay
Ayuun bay cadaaladi didoy, goysay dabarkiiyeÂ
Dumarkiyo dhalaankii maxaa  lagu daqiiqeeyay
Denbi inamadaan gelin miyaan, diirad lagu toogan.
Â
Â
Damdam baan u haystaa darwiish dad-dilaan ahaye
Ma diyaarad baad soo rushayn, diide amar-kaase
Mise Dayday baad odhan qabtoo, doolar baa bixindhe
Waarhoy yay daluun-tii ku dhicin, daalku nagu gaadhay.