War deg deg ah: Gaari miineysan oo goor dhow ku qarxay wadada isku xirta KM4 iyo Aadan cadde Airport

 

Gaari la sheegay in laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa goor dhow ku qarxay agagaarka garaasha Xaaji Dool oo ku yaala wadada isku xirta garoonka Aadan cadde iyo Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

 

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlayey meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho aya markii uu dhacay waxaa circa isku shareeray uuro iyo qaac madow, iyadoo la maqlayo rasaas xoogan oo dhaceysa.

 Lama oga illaa hada halka qaraxaas lala beegsanayey iyo qaabka uu u dhacay hase ahaatee waxaa uu ku soo aadayaa xili xaalada magaalada ay cakiran tahay ka dib markii duhurnnimadii maanta ay dagaalo ay ka bilowdeen xarunta maxkamada gobolka banaadir halkaasoo ay qabsadeen kooxo hubeysan oo adeegsanaya qaraxyo iyo rasaas.