War Deg deg ah :Xoghayaha Arrimaha Dibda Ingiriiska oo sirasmi ah u furay Safaaradii UK ee Muqdisho(Daawo Sawirada)

War Deg deg ah :Xoghayaha Arrimaha Dibda Ingiriiska oo sirasmi ah u furay Safaaradii UK ee Muqdisho(Daawo Sawirada)  
Xoghayaha Arrimaha Dibda Ingiriiska William Hague ,ayaa waxaa uu kulamo ku laqaatay Maanta Magaalada Muqdisho ,Madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra’’iisulwasaraha Soomaalia.William iyo Madaxda Dowalada ,ayaa waxaa lagu soo waramayaa in wadahadaladooda diirada lagu saaray shirka dhawaan Soomalida ugu furmaya Magaalada London ee wadnaka Ingiririiska.

William hag markii uu maanta ka soodagay Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa halkaasi ku soo dhaweyey ku xigeenka raisul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibeda Somalia iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM

Sidoo kale Wuxuu Kulan la Qaatay Ra’’iiisulwasare Cabdi Farax Shirdoon Saacid iyo Qaar kamid ah Golaha wasiirada iyadoo kulan uu dhexmaray labada dhinacna kadib loo soo galbiyey Xarunta Madaxtooyada.Halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweynaha soomaaliya Xasan Shiikh.

Xogahaha Arimaha Diabda Ingiriiska ayaa ujekiisa ugu weyn ee Muqdisho uu u tagay waxaa ay aheyd in uu dib xariga ujaro Safaaradii iIngiriiska uu ku lahaa Soomaaliya oo Mudo 22 sano ah xirneed.

Ra’’iisulwasaraha Soomaaliya Cabdi Farax ayaa aad ugu mahdceliyey Dowlada ingiriiska Dib u furista Safaaradooda Muqdosho,isagoona ku tilmaamay arinkaas talaabo muhiim ah.

Waa wadankii ugu horey oo reer galbeed ah oo safaaraiisa si rasmi ah ugu furtay Muqdisho,iyadoo la filaayo in dhawaan Safaarado kale halkaais la hirgilndoono.

William hag ayaa waxa uu sidookale kulamo laqaatay Madaxweynaha Soomaalya Xasan Shiikh,kulankaasi oo aan wax badan saxaafada ka ogaanin ujeedkiisa ,laakiin dad goob jooga ah ayaa sheegay in Madaxweynaha in giriiska ugu mahadceliyey furitaanka safaarada.

Salaanmedia

Mogdisho