Warsaxafadeed… Ururka Somaliland United Forum

Warsaxafadeed.. Ururka Somaliland United Forum

Ururka Somaliland United Forum

 

 

 

 

 

 

 

Qodobka 9aad ee Distuurka Qaranka  wuxu dhigayaa in Nidaamka Siyasadeed  ee Dalka Somaliland  waxa saldhig u ah Nabad , Talo-wadaag, Dimuqradiyada iyo Hanaanka  Xisbiyada badan.

Shacabka Maqaaxiyaha Fadhiya magaaloyinka Somaliland ,waa Codbixiyaashii Keenay ,soona doortay Xukuumada maanta talada dalka haysa, Xisbiyada iyo Golayaasha Qaranka, Horana 2001 ugu Codeeyeen Distuurkan Dalka iyo Aftidii Gooni Isu-taaga.

Tala-wadaag iyo Dimuqradiyada ku xusan qodobka 9aad ee Distuurka, waxay Qeexaysa  doorka  iyo awooda Codbixiyaashu  ku leeyihiin Nidaamka Siyasadeed ee Talada dalku ku dhisantahay.

 Dawlada  Jamuhiryada Somaliland ,Ha’ayadaha Distuuriga ah ee dalka Ka dhisan,  sida  Xukuumada, Golayaasha ,  iyo Xisbiyada Qaranka,Waxa iyagana saldhig u ah Rayiga iyo Rabitaanka  Shacbiga Somaliland. Shacbiga Somaliland Rayigooda iyo Rabitaankood waa in La dhagaystaa ,  Rayigana la ururiyaa  luguna dhaqmaa.

Shirka ka dhici doona dalka Turkiga kuna saabsan wada hadalada Somaliland iyo Somaaliyaa,   Waxaanu  xukuumada Somaliland u sheegaynaa in Shirkiisi ka so horjeedo Distuurka iyo Qaranimada Somaliland, siiba Qodobka 2aad ee  ah Dalka Jamhuriyada Somaliland, oo Qeexaya Dhulka ay Somaliland ku fadhido iyo Xuduudaha ay Jamhuriyadu  la ledahay dalalka jaarka ah ,sida Jabuuti , Etoobiya iyo Dhinaca bada Dalka Yamaneed.

Sababto ah:

  • Somaaliya  oo  aan aqoonsaneyn Somaliland  iyo Somaaliya oo ka so horjeeda gooni Isu –Taaga Somaliland, sida ku cad distuurka Somaaliya( Gobalada Waqooyiga Somaaliya)
  • Somaaliya  oo Sheeganaysa Xuduudaha Somaliland la ledahay dalalka jaarkeeda

Sida ku cad Distuurka Somaaliya.( Somaaliya Waxay xad la ledahay dalaka jabuuti, Koonfurta Etoobia iyo DhinacaWaqooyiga bada Dalka Yaman.)

Gaba Gabadii Waxaanu Xukuumada ugu baaqayna inay Jawaab   cad ka siiyaan Shacbiga Somaliland sida Dawlada Turkiga ee Aaminsan midnimada  Somaaliyaa, sida wasiir arima dibadeeda Turkigu cadeeyey ay ugu fududayn karto  wada hadalada  Somaliland iyo  Somaaliya oo aan ahayn dib u heshisiin.

Waxanu kalo u baaqayna in xukuumadu shacbiga Somaliland Shurudaha iyo Ajanda shirka  si cad ugu so bandhigaan ka hor inta aan shirka la tagin

Ugu dambayn waxan si adag  Xukuumada ugu baaqayna in Masiirka iyo Aayahaa Qaranimada  Somaliland dib ugu so celiyaan  Shacabka Codbixiyaasha.

  Guul iyo Gobanimo Somaliland

Allaa Wayn Ninkii Aamina  Awood leh

Afhayeen : Ibrahim hussein

Â