“Waxaan filayaa Xisbiga Waddani inaanu fahmin muhiimadda shirka Turkiga ”

April 5th, 2013 Comments Off

Hargeysa, (SM)- Safiirka wareega ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa soo dhaweeyey wadda-hadaladda dhawaan dalka Turkiga ku dhex-maraya Somaliland iyo Somaaliya, waxaanu sheegay in wadda-hadaladaasi ay nasteex u yihiin Qaranka Somaliland.

Kaysar Cabdilaahi Maxamed waxa uu sheegay In Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI aanu fahamsanayn ujeedada lagaga hadlayo Shirkaas dalka Turkiga.

Safiirka oo u warramay shabakada Somalilandtoday maanta ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii. “Wixii masiirka umadda iyo qaranimadeena wax u dhimaya Dawladda Somaliland raali kama aha, Xisbiga Waddani waxaan filayaa inaanay si fiican u fahmin muhiimadda Shirkan lagaga hadlayo.”

Safiirka Wareega ee Somaliland waxa uu intaas ku daray, isagoo hadalkiisa sii wata. “Dalka waxa ka jirta Xukuumadd loo igmadday inay ka shaqayso wixii danaha qaranka ay hawl-geliso oo ay fuliso, iyadoo la tashanaysa Xisbiyadda iyo laamaha qaranka ee kala duwan.”

“Fikirka ay ku durayaan Xisbiga Waddani, iyagoo Xisbi Mucaarid ah oo xaq u leh fikradahoodda inay soo ban-dhigaan, haddana waxaanu u aragnaa tallaabada ay Xukuumaddu ku horfadhiisanayso Somaaliya mid nasteex u ah qarankeena, maadaama oo dalkani (Soomaaliya) yahay dalkii aynu hore iskugu jirnay, waxaana muhiim ah in lagu qanciyo, waxaanay ahayd mid aad u balaadhan Shirkii London ka dhacay oo duniddu markhaati ka ahayd in dal-weynihii la isku odhan jiray Soomaaliya ay maanta ka jiraan laba dawladdood oo sida kuwa adduunka oo kale ah, Xisbiga Waddanina waxaan aaminsanahay in qoraaladda ay soo saarayaan ay yihiin qaar aan lagu qanici Karin,” Ayuu yidhi Safiirka Wareega ee Somaliland Kaysar Cabdilaahi Maxmed.