Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Xarun Caafimaad Casri ah oo loogu Talogalay Haweenka oo laga Furay Hargeysa

Xarun Caafimaad Casri ah oo loogu Talogalay Haweenka oo laga Furay Hargeysa

April 25th, 2013 

Hargeysa (SM)- Xarun caafimaad loo adeegsan doono qalabyo iyo aqoon casri ah si loogu badbaadiyo haweenka iyo carruurta yaryar, ayaa laga furay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Xarutan caafimaad oo ay hirgelisay haweenay magaceeda la yidhaa Khadra Cali Cigaal oo ah aqoonyahannad wax ku soo baratay waddanka Ingiriiska, isla markaana shaqooyin sare oo ay ka haysay cusbitaallada ugu waaweyn ee dalkaasi ka doorbiday inay cilmigeeda uga faa’iidayso shacabkeeda, gaar ahaana inay u gargaarto haweenka uurka leh iyo carruurta dhalanaysa oo ay u keentay qalab iyo dawooyin tayo leh oo isticmaalkoodu ku cusub yihiin dalka.

Aqoonyahannad Khadra Cali Cigaal oo weriye ka tirsan Jamhuuriya xog-warran kula yeeshay xarun caafimaad ay u bixisay Egal Clinic oo ay ka samaysay xaafadda 150-ka ee degmada 26-ka June ee Hargeysa, waxay sheegtay inay ku dhalatay dalka Imaraadkaad Carabta, balse markii ay barbaartay tagtay waddanka Holland kadibna ay uga sii guurtay Ingiriiska, halkaas oo ay shahaadadeedii kowaad ku diyaarisay cilmiga maamulka cusbitaallada, digriigeedii labaadna ku qaadatay kalkaaliso caafimaad oo ay kaga shaqaysay cusbitaalka ugu wayn qaaradda Yurub ee Queun Elithebiet Hosbital qaybtiisa gargaarka culus, gaar ahaan waaxda kelyaha lagu beddelo, hase ahaatee ay mar kale ku laabatay jaamacadda oo shahaadada digriiga ka dhigatay umuliso, taas oo markii ay dhammaysay ay kaga shaqaysay cusbitaal la yidhaa Berham City Hosipital oo ah ka ugu wayn dhinaca dhalmada oo qiyaastii ilaa 8500 carruur ahi ku dhashaan sannadkii.

“Shaqo sarre markii aan gaadhay ee wixii aan khibrad u baahnaana aan helay ayaan go’aansaday in ay gaadhay waqtigii aan dalkayga Somaliland u soo guuri lahaa si aan u caawiyo dadkayga, gaar ahaan haweenka oo aan arkay dhibaato badani inay haysato. Markaa xaggaagii sannadkii hore ee 2012-kii ayaan bilaabay in aan qalabka cusbitaalka soo iibsado, anigoo hore sannadkii 2009-kii qiimeeyey meesha aan wax ka furi karo oo ila noqotay in magaalada u wayn dadka ugu badani joogaan tahay Hargeysa oo aan ka sameeyo xarun caafimaad, aniga oo weliba doortay in aan meel xaafad dhexdeed ah ka furo,” ayey tidhi Khadra Cali.

Aqoonyahan Khadra oo weriyuhu waydiiyey adeegyada ay doonayso inay bulshada u qabatay waxay ku jawaabtay, “Xarunta caafimaad waxaan u doortay in aan ka sameeyo meel xaafad ah si aanay dumarku u dareemin inay meel kale yimaadeen, qaab guri oo kalena waa loo sharraxay si ay ugu nafisaan oo kuwa dhalaana u seexdaan, waxaanna yaal qalabkii ugu dambeeyey si loo badbaadiyo hooyada iyo ilmahaba oo aannu dhignay qol walba, sidoo kale waxay noqonaysaa meel dhakhaatiir dumar ahi ka shaqeeyaan si loo caawiyo haweenka oo iyaguna aanay wax qajilaad iyo shaki ah u gelin oo ay si fiican u sheegan karaan dhibaatadooda. Maaha aniga oo keliya ee dhakhaatiir badan oo doonaya inay caawiyaan dumarka ayaa ka hawlgeli doona, kuwaas oo qaarkood muddo ilaa laba bilood kadib ah ka iman doona dalka Ingiriiska oo saddexdii biloodba ay joogi doonaan saddex dhakhtar oo takhasusyo kala duwan leh kadibna ay kuwa kale beddelaan, waxaanay inta ugu badani ka imanayaan cusbitaalkii aan ka shaqayn jiray oo aniga ayaa ka codsaday, iyagoo leh umulisooyin, dhakhaatiir, kuwa lafaha ama muruqyada iyo jidhka ka shaqeeya, dhakhaatiir carruureed iyo kalkaaliyayaalba way leeyihiin, waxaanna weliba ku jira hablo Soomaali ah oo haddii ay halkan yimaadaan aan garanayn meel ay wax ka bilaabaan.”


Waxa kale oo ay sharraxaad ka bixisay qalabka ay u isticmaalayso xarunta caafimaad ee ay furtay iyo weliba sida loo yarayn karo dhibaatooyinka inta badan hooyadu la kulanto waqtiga dhalmada, “Qalabkan aannu keenay oo aan dalka hore u ool oo casri ah, tusaale ahaan waxa dhacda in gabadh dhalaysa mararka qaarkood calooshu xannuunto oo ay moodo inay foolanayso, markaa mashiinku waxa uu soo saarayaa inay fool tahay iyo inuu yahay infakshan makaanka ka haya oo xannuun kale keenaya, sidaa darteed gabadhii laguma degdegayo in qalliin lagu sameeyo ama waxyaabo kale oo aanay u baahnayn lagu bilaabo. Waxa kale oo noo soo socda mashiinnada la geliyo ilmaha aan waqtigii uu ku dhalan lahaa gaadhin (dhicis) ama ka si caadi ah u dhashay ee xannuun hayo, kaas lagu badbaadiyo si aanay qabowga ugu dhiman.

Dhalmadu waa wax caadi ah ee maaha in laga dhigo xannuun oo kale, dhibaatada Somaliland ka jirta waxa weeye ma jiraan xarumo yaryar oo caafimaad (clinic centers) oo iyagu qofkay waxba ka qaban kariwaayaan u dira cusbitaal wayn, laakiin haddii meel waliba cusbitaal wayn noqoto khalado badan baa dhacaya. Dumarkuna haddii ay ogaan lahaayeen in laga hortagi kari lahaa dhibaatooyinka keenaya sida qalliinka oo kale haddii ilmaha si fiican loogula socon lahaa xarumahan kale oo aanay ka baqayn in la qali doono iyo in lagu degdego way ka badbaadi lahaayeen.

Adduunka wax waliba nidaam buu leeyahay uu ku socdo, markaa cusbitaalkii aan ka shaqaynayey nidaamkii uu dhalamada dumarka kaga shaqayn jiray ayuun baan anigu doonayaa in aan ku hawlgalo oo waxa ka mid ah; tusaale ahaan waa la sii ogaan karaa xaaladda gabadhu ku dhalayso ama in ay qalliin u baahan tahay iyo in kale, waa in qofka dumarka ah ee uurka leh laga baadho waxyaabaha ay u baahan tahay in laga eego, lana tix-raaco ilmo hore haddii ay dhashay qaabkii ay u dhashay, halkaas waxa laga ogaan karaa xaaladeedda oo dhan iyo waxyaabaha ay u baahan tahay in loo sii qabto, waxa kale oo jira dawooyin la siiyo dumarka marka hore oo ka ilaalinaya inay dhiig-baxdo markay dhasho ama inay gariirto umusha kadib.”

Ugu dambayn iyadoo ka jawaabaysay su’aal ahayd, ‘inta badan waxa la yidhaa dad dhakhaatiirta ahi dalka way u soo shaqo tagaan oo inay lacag ka urursadaan ayey u furtaan cusbitaallada, markaa adiga ujeeddadaada ma laga yabaa inay tahay sidii aad lacag u heli lahayd?

“Lacagtii aan qaadan jiray iyo ta aan qaadan lahaa haddii aan sii joogi lahaa cusbitaalkaan ka shaqaynayey weligay halkan ka helimaayo, laakiin waxaan u imi in aan dumarka caawiyo, balse halkaa (Ingiriiska) wuxuun baan noqonayaa shaqaale mar walba ka fikiraya shaqadiisa oo horumar ama inuu kor uun u sii socdo maalin walba doonaya si uu lacag badan u helo, kadibna inta aan dalkaygii Somaliland fasax ku imaado aan dadka uun caayo oo idhaahdo maxaa sidaa loo samaynwaayey? Waxayse ila noqotay in anigu aan u soo xidhxidho dalkii oo is idhaa maxaad qaban kartaa?

Ingiriiska saddexdii sannoba waxa la sameeyaa warbixin ku saabsan dhimashada, kadibna waxa ka soo baxay muddo saddex sanno ah in 7 dumar ahi ku dhinteen uur ama foosha kadib, markaasaa la yidhi side ayey toddoba dumar ahi u dhinteen waa laga hortigi kari lahaaye, aniguna waxaa qaadanwaayey in Somaliland tobankii dumar ah ee dhalayaba ay saddex dhintaan, inkasta oo qaddarka Ilaahay meesha yaal, laakiin sababta waa la yarayn karaa,” ayey Marwo Khadra Cali Cigaal kaga jawaabtay su’aashaasi weriyuhu waydiiyey.

Xigasho SL.ORG




Leave a Reply