Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo Qaadacay Diiwaangalin ay Fulinayso Wasaaradda Daakhiligu

April 27th, 2013 

Hargeysa(SM) Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sheegay in aaney oggoleyn oo ay qaadacayaan diwaangalinta wasaarada arrimaha gudahu wado oo uu ku tilmaamay diwaangalin xisbi kaliya wato.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade ayaa arrintan ka caddeeyay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa.

Xoghayaha xisbiga WADDANI, waxa uu ugu baaqay xukuumada inay marto majare sax ah oo doorasho xor iyo xaalaal ah ku dhacdo, waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidh, “waanu qaadacaynaa diwaangalinta ay wado wasaarada arrimaha gudaha, wasaarada arrimaha gudaha waa xisbiga Kulmiye mana matasho xisbiyada qaranka, xibsiga WADDANI hadaanu nahay diyaar uma nihin inaanu doorasho ku galno diwaan galin xisbi kaliya wato,waxay wasaarada arrimaha gudaha doonaysaa inay socodsiiso diwaangalin kali ay ku yihiin xisbil xakimka talada haya, waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadu inay marto majare sax ah oo doorasho caadalada kugaadho ummada”.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI, Maxamed C/laahi Uurcade, ayaa cambaareeyay falkii habeenkii khamiistii lagu weeraray xarunta wargeyska Hubaal.

Xoghayuhu waxa xukuumada uu ugu baaqay in ay si deg-dega u soo qabato cidii weerarkaas fulisay.

“ waxa muuqata in saxaafadii culays badan la saaray, waxaanu cambaaraynaynaa hadaanu xisbiga WADDANI cidii fulisay falkii lagu weeraray xarunta wargeyska Hubaal, xukuumadana waxaanu leenahay waa inay si deg-deg ah u baadhaa wixii natiijo ahna ummada u soo bandhigtaa, aad iyo aad ayaanu ugu xunahay warbaahinta in habeenkii la weeraro, musuuliyadaa waxa leh wasaarada arrimaha gudaha, waxa muuqata in dabacsanaan badan ka muuqato amnigii dalka oo kow ka ah weerarkaas wargeyska Hubaal lagu weeraray oo aan hore noociisa dalka uga dhicin, markaa waxaan jecelnahay in xukuumada deg-deg ay talaabo uga qaadan cidii falkaasi waxashnimada fulisay”.

Salaanmedia/Hargaysa