Xisbiga Waddani oo Meel adag iska Taagay Shirka Turkiga isla markaana dhaliilay Siyaasada Arrimaha Dibada

April 4, 2013

Hargaysa 04.April(SM) Xisbiga Waddani ayaa ku tilmaamay Shirka ay dawlada Turkigu marti galinayso ee lagu sii ambo qaadayo Wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia,inay u arkaan Mid lagu Mijo Xaabinayo Qadiyada Qaranimada Somaliland,Waxaa kale oo ay Sheegeen In siyaasada arimaha dibada ee Somaliland ay Jiho Khaldan Afka Saartay.

Xisbiga Wadani Waxa uu Cadeeyay inaanay Aqbali doonin in Masiirka Ummada Somaliland lagu soo Uruuriyo Gacmo dhawr qof,Iyagoo Sidoo kalena Xusay inaan taageersan yihiin in Wixii ayaaha dalku ku qotomo in talo qaran laga yeesho,Waxayna Sidaas ku sheegeen Shir ay maanta ku qabteen xarunta dhexe ee Xisbiga Wadani ee Magaalada Hargaysa waxaana halkaasi ka hadlay Prof Maxamed Cismaan Fadal oo ah Gudida arrimaha dibada ee Xisbiga Waddani.

 

Salaanmedia/Hargaysa