Xog-Hayaha Arimaha Dibada Britain William Hague Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Imaaraadka Oo Muqdisho Soo Gaaray

Xog-Hayaha Arimaha Dibada Britain William Hague  Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Imaaraadka Oo Muqdisho Soo Gaaray

hague1

Xog-hayaha arimaha dibada dalka Ingiriiska Willuim Hague oo maanta soo gaaray magaaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa kulamo albaabadu u xiran yihiin la leh madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Hague ayaa intii uusan kulanka la qaadan madaxweynaha waxa uu lasoo kulmay  R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid mana cada  waxyaabaha ay sida rasmiga ah uga wada hadleen.
Kulanka xiligan u socda xog-hayaha arimaha dibada dalka Ingiriiska iyo madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa marka uu soo idlaado iney si wada jir ah warbaahinta ula hadlaan kana warbixiyaan waxyaabihii ay isla soo qaadeen.
Socdaalka Willuim Hague ayaa waxaa qayb ka ah arimaha shirka bisha soo socota ee May ka furmaya magaalada London kaasoo ay soo qaban-qaabisay dowlada Ingiriiska isla markaane taageero loogu raadinayo dowlada cusub ee Soomaaliya.
Warar kale oo aynu heleyno ayaa tilmaamaya in wasiirka safarkiisa ay qayb ka tahay in dalka UK uu safaaradiisa si rasmi ah dib uga furto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya walow aysan jirin cid si dhab ah u xaqiijinaysa arinkaa,balse waxaa laga war sugayaa waxa kasoo baxa kulanka waqti xaadirkan u socda madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wiluiam Hague.
Dhanka kale wasiirka arimaha dibada dalka Imaaraadka Carabta ahna dhaxal sugaha boqortooyada dalkaas ayaa isne soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,wuxuuna madaxtooyada villa Soomaaliya kulan albaabada u xirnaayeen kula qaataya madaxweynaha dowlada Soomaaliya.
Markii uu soo dhamaaday kualnka labada masuul ayeysan wax tafaasiil ah ka siin warbaahinta waxyaabihii ay ka wada hadleen,walow uu wasiirka arimaha dibada Imaaraadka uu wali ku sugan yahay caasimada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo aaddan ay war rasmi ah dowladu kasoo saarto wufuuda heerka caalami ee maanta Muqdisho soo gaaray iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Xigasho Durbar

Salaanmedia/Hargaysa