Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Somalia u Magacaabay Danjire cusub oo beddeli doona Augustine Mahiga

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Somalia u Magacaabay Danjire cusub oo beddeli doona Augustine Mahiga

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa maanta ku dhawaaqey magacaabista Mr Nicholas Kay oo u dhashey dalka Britain inuu noqdo wakiilkiisa gaarka ah ee Arrimaha Somalia.


Mr. Kay waxaa uu beddelayaa Danjire Augustine Mahiga oo shaqadiisa dhameysanaya 3-da bisha June ee sanadkan. Xoghayaha Guud ee QM ayaa amaaney Danjire Augustine Mahiga shaqadii wanaagsaneyd ee uu muddada 3-da sano ka soo qabtey Somalia, taasoo horseedey in laga baxo KMG-kii, dowlad rasmi ahna  ka hanaqaado Somalia.

Ergeyga cusub ee la magacaabey, waxaa haatan uu yahay Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Britain.

Waxaa uu dhashey sannadkii 1958kii. Waxaa uu leeyahay xaas iyo saddex carruur.

Salaanmedia/London

Â