5 Guuradii Ka Soo Wareegtay Gudo-galkii Dalka Iyo Muj.Axmed Mire

25 Guuradii Ka Soo Wareegtay Gudo-galkii Dalka Iyo Muj.Axmed Mire Oo Ka Waramay Maalmihii Xasuuta Lahaa Ee Duulaankii Burco

download

Hargeysa(SM) May 27, 2013-Maanta ookale 25 sannadood ka hor, ayay ahayd markii ay Mujaahidiintii SNM haleeleen Guushii ugu horeysay ee dib u xoraynta wadanka, ka dib markii Xoogagii ururku 27 Bishan May ee sannadkii 1988 weerar Naf hurid ah oo ay ka soo qaadeen meel la yidhaahdo Bali Samatar Axmed ku soo galeen Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo ahayd Al-baabkii furashada wadanka iyo Magaaladii ugu horaysay ee SNM gacanta ku dhigto.

Mujaahidiintii Ururka SNM ee Maalintaasi galay Magaalada Burco oo isugu jiray Rag iyo Haween, ahaana Guutadii la baxday Madiina oo uu hogaaminayay Mujaahid Axmed Mirre Maxamed oo ka mid ahaa Saraakiishii Ururka SNM, ayaa lagu tilmaamay inay guushoodu horseeday xorayntii dalka, iyadoo ilaa 31 Bishaa May ee Isla sannadkaasi Dhaqdhaqaaqii SNM qabsadeen Magaalooyinka Hargeysa, Caddaadley iyo Deegaamo kale oo ku yaala Xeebta iyo Buuraha Sheekh.
Muj. Axmed Mirre oo Hogaaminayay Faracii SNM ee Burco galay, ayaa ka waramay Taariikhda ay Maalintaasi leedahay iyo qaabkii ay ugu suurto gashay qabsashada Magaalada Muhiimka ah, waxaanu tilmaamay inay dharaartaasi muddo yar uun ka dambeysay markii laga bedelay Taliyaha Taliskii Ciidankii SNM, ka dibna laga dhigay Taliyaha qeybta Madiina oo deegaamaada Bariga ka soo gashay wadanka.
“1986-kii ilaa 1988-kii ayaan ahaa Taliyaha ciidanka SNM, dabadeed waa layga Bedelay, waxaana lay dhiibay Guutadii Madiina ee Bariga, halka Muj Ibraahim Dhego-wayne laga dhigay Taliyihii Faraca Maka ee Galbeedka, waxaanay ahayd xiligaasi wakhtigii noogu qorsheyaasha badnaa oo annagoo joogna Meel xuduudka ah ayay Labadii Dawladood ee Somaliya iyo Itoobiya noo Heshiiyeen, dabadeed waxaanu samaysanay toban qorshe oo midba mid ka duwanyahay oo aanu isnidhi hadiimidi idinka kadibo kanbaa idin anfacaya”ayuu yidhi oo ka hadlayay xaflad jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriisku ku qabteen magaaladda London.

Muj. Mirre ayaa intaasi ka dib gudo galay, sidii ay ku suurto gashay qabsashadii Magaalada Burco waxaanu yidhi “26 May, Lixdii Maqribnimo ayaa Ciidankii SNM ee soo galay Magaalada Burco aan ku tujiyay Baliga Samatar Axmed, Ciidankaa waxa ku jiray Kooxo Dumar oo halganka ka qayb-qaatay, kuwaasoo intaan ku idhi Meeshaa raga tegayaa maaha rag soo noqonayee iska jooga igu qanciyay inaanay ka hadhayn Ciidanka, markii aanu halkaa Salaadii maqrib ku tukunay Ciidanka waxaan ku idhi Shidaalka aynu haysanaa Burco wuu ina Gaadhsiinayaa, laakiinse Inaga soo celin maayo, Hubka aynu haysanaa raaca hore hadaynu kula dagaalano Raaca dambe inaga Difaaci maayo, Shidaal, Hub iyo Gobanimoba waxay yaalaan wadankeenii oo aynu xorayno”ayuu sheegay.
isagoo ka sii waramaya Taariikhdaa wuxuu yidhi “dabadeed sidiibaanu ku soo dhaqaaqnay, gidi habeenkii waanu soo soconay, salaadii hore ayaanu Koonfur ka soo galnay Magaalada Burco, waxaanan ku soo hagaagnay oo aanu soo galnay meeshii taliska Milaterigu ku faani jiray ee Barta, dabadeed Ciidamadiisii ayaa arkay dadkan iska soconaya ee aan joogsanayn, dabadeed way yaabeen oo waxay moodeen in laga dambeeyo oo Magaaladiiba laga qabsaday, waxay nagu soo rideen Baasuukayaal , annaguna waxaan ku idhi ha u Jawaabine ee iska daaya oo socda, markaanu ka joogsan waynay ayay dabadeed dib u yaaceen oo Magaaladii soo galeen, halkaasaa markaanu soo galnay Magaalada Dagaalku ka bilaamay, ilaa galabtii baanu socday.
“Dagaalkaa runtii Mujaahidiin badan baa ku dhintay, Haweenkii nala socday maalintaa badankoodu way ka badbaadeen oo way noolyihiin Maanta, waxay ahayd maalintii Nabarkaa wayn ee Madaxa igaga yaalaa igu dhacay, nabarkaasi markuu igu dhacay runtii waan nafisay oo Hurgumadii Madaxa iga buuxday ayaa iga timi, waayo Maanu seexan toban habeen Daal iyo rafaad ayaa jidhku nala dubaaxinayay, dabadeed markaan dhaawacmay ee dhiigu iga yimi Jidhkiibaaba i kala fur-furmay oo waan nafisay, wax culays ahna maan dareemayn.

”.
Axmed Mirre isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “Adigu Dagaalkii maalintii markaanu galnay gudaha magaalada Taliskii ka bilaabay Maxkamado, oo saraakiil badan la xidh-xidhay ee ay maxkamado galeen, waxaanu go’aansanay inaanaan Magaalada ka bixin inta cad-ceedu soo jeedo, dabadeed markii ay cad-ceedu dhacday ayaanu ka baxnay Gudaha Magaalada, annigoo dhaawac ah ayaa dabadeed ciidankii aan ku soo tegay intaan saraakiishii oo dhan la sii dar-daarmay, waana lay soo qaaday aniga.

“Runtii Ciidankii aan watay ee Madiina way tashadeen Talis cusub ayay samaysteen oo ay ka dhigteen Ninkii ugu da’da weynaa, ugu waayo aragsanaa, kaasoo ahaa Muj xamdule, markaa hawl-galkaasi sidaasi ayuu u  dhacay Burco aanu ku qabsanay, maalintii xigtayna Mujaahid Maxamed Cali iyo Ciidankiisii ayaa galay Ceel-gedis, oo Xuseen Dheere ayaa qabsaday cadaadley, ilaa 31 May-na wuxuunbaa lagu jiray Guul iyo xorayntii Magaalooyinka dalka oo Burco ka soo bilaamay shantii maalmood ee kalena wuxuunbaa SNM qabsanaysay Magaalooyin kale gudaha ah”ayuu yidhi.

Muj, Axmed Mirre oo ka waramayay sooyaalkii Maamul iyo Marxaladihii kala duwanaa ee ay SNM u soo martay Guushii dalka lagu xoreeyay, wuxuu sheegay in Madaxdii Ururka u kala dambeysay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ilaa Cabdiraxmaan Cali Faarax mid walba heer soo gaadhsiiyay Yoolkii Ururka iyo dib u xoraynta Wadanka, isagoo si guud iyo si gaar ahba u amaanay mujaahidiintii Ururkaasi ee Qoriga siday iyo kuwii qorshaha ururka dejinayay.

 Salaanmedia/London