Soomaaliya Oo IGAD Oo Ka Codsanaysa In La Xoojiyo Ciidamada Nabad Illaalinta AMISOM.

Soomaaliya Oo IGAD Oo Ka Codsanaysa In La Xoojiyo Ciidamada Nabad Illaalinta AMISOM.

IMG_3094

(SM)- Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud , oo ku sugan Magaalada  Addis Ababa ee dalka ETHIOPIA Oo uu kaga qaybgalayo  shirka wadamada ururka goboleedka IGAD          ,ayaa wada qorshe  uu ku doonayo  in dalalka deriska ah uu  kaga dhaadhiciyo  xoojinta ciidamada AMISOM oo ay qayb ka yihiin.

IMG_3093

Shirkan,  ayaa waxa lagaga wada hadlayaa  ammaanka   gobolka Geeska Afrika , ayaa diirada la saarayaa xaalada Soomaaliya oo ah meesha ay ka dhacaan rabshadaha ugu badan gobolku.

Madaxweynaha   Kenya Uhuru Kenyatta shirka IGAD ka qaybgalaya markii u horeysay intii xilka la wareegay bishii hore April,  waxaana alagu wadaa in uu taageeri doono  qorshaha dawlada Soomaaliya.

 

ETHIOPIA oo lagu wado in ay ciidamadadeeda kala baxaysa  Koonfurta Soomaaliya, ayaan la ogayn sida uga jawaabi doonto codsiga Xasan Sheekh Maxamuud.

 

 

 Salaanmedia/Hargaysa Office

Â