Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wasaarada Arimaha Dibada Ee Dalka Finland

(SM-Hargeysa) Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudani Cabdiraxam Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa kulan muhiima la qaatey Wasaaradda Arimaha Debedda ee Finland. Kulankaasi oo shalay ka dhacay Wasaaradda Arimaha debedda ayaa warbixin dheer kaga dhegeysteen Mudane Gudoomiye Cirro oo aad ugu dheeraadey qadiyadda iyo xaaladda siyaasadda Somaliland, taasoo oo ku nuux nuuxsadey sidii fikirka qadiyadda gooni-isu-taagga Somaliland ay ku taageeri lahaayeen, maadaama Finland muddo 100 sano ah ay ku jireen gacan shisheeye oo qadiyad isu-taagooda ka soo horjeedey, taasoo markay ka gilgisheena la soo noqdeen xornimadoodii 1917kii. Taasoo markii dambe garówshiiyo ku keentay madaxdii wasaaradda in ay lagamamaarmaan tahay aftida iyo xoriyadda bulshada, garabna ka siinayaan dhaqaalaha iyo mucaawinooyinka Somaliland u baahan tahay,.

islamarkaana xidhiidh wanaagsan la yeelanayaan. Waxa Madaxdii Finland ka mid ahaa, Agaasimaha guud ee Arimaha debedda Mr. Risto Piiponen iyo Ilkka Nordberg oo ah la taliyaha Mandaqada Geeska Afrika ee Wasaaradda Arimaha Debedda Finland.

Dhinaca kale waxa Gudoomiyaha ku wehelinayey kulankaasi, Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland Mudane Xassan, Gudoomiyaha Waddani ee laanta Finland Mudane Cabdiraxman I. Cartan iyo Gudoomiye ku xigeenka Waddani ee garabka Haweenka Finland Marwo Deeqa oo iyana su`aalo iyo qadiyadda Somaliland ku nuuxnuuxsadey. Kulankaasi waxa uu ku dhamaadey is-afgarad siyaasadeed ee labada dhinac ay isku-gacan togaaleeyeen.

Kayse Maxamuud

Salaanmedia/Finland