Sanad-guuradda 22-aad ee Madax-banaanida Somaliland oo si weyn looga xusay Togdheer

Burco 18.5.13(SM)Sanad-guuradda 22-aad ee Madax-banaanida Somaliland oo si weyn looga xusay Togdheer
May 18th, 2013 Comments OffSanad-guuradda 22-aad ee Madax-banaanida Somaliland oo si weyn looga xusay Togdheer
May 18th, 2013 Comments Off

Burco (So)-Waxa munaasabada xuska ee maanta ka qabsoontay magaalada Burco ay ahayd mid ka duwan xusaskii hore taasi oo ay ka muuqatay munaasibadani agaasim aad u balaadhani waxaana si weyen uga dhex muuqday ciidamada kala duwan ee qalbka sida ee booliska,qaranka,asluubta,baamboyda,ardayda Dugsiyada iyo shacbi weynaha kala duwan ee magaalada burco oo iyagu sitay astaamaha calanka Somaliland iyo sawirada madaxweynayashii soo maray Somaliland.

Socod dheer oo ay sameeyeen qaybahani kala duwan ee bulshadu waxay aakhirki isugu soo urureen garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco oo iyadu ahayd goobta loo asteeyay in masuuliyiinta ka socota xukuumadu ay halkaasi kala hadasho bulshada reer Burco.

Waxaana maanta kala qaybgalay bulshada reer Togdheer Wasiirada arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur,Arimaha Dibeda Maxamed Cabdilaahi Cumar,Duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo waliba sadex xildhibaan oo ka tirsan golaha Guurtiada Somaliland.

Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur oo Ugu Horaynba Halkaasi ka hadlay ayaa ugu hanbalyeeyay shacbiga Somaliland waxaanu ku dheeraday adkaynta nabadgalyada iyo arimo kale oo muhiima.

“Walaalayaal waxaa Maanta Noo Sharaf ah in halkii lagu asaasay iyo goobtii lagu dhisay iyo halkii lagaga dhawaaqay 18may inaanu maanta ku suganahay oo magaalada Burco ah waxaan u hanbalyaynayaa shacabka reer Burco sida balaadhan ee ay isugu soo baxeen iyo sida balaadhan ee ay u Muujiyeen Cududooda iyo siada baaxada way nee maalinta qaranimadooda ugu dabaaldagayaan waxaanan sidoo kale iyana halkan hanbalyo uga dirayaa Qurbajooga Somaliland ee sida weyn uga qaybqaata horumarinta dalka”

“ Qaabka aad maanta u banaanbaxdeen waxay muujinaysaa sida qarankani aanu gorgortan u galikarin ,qaran anaa lumi Karin inuu yahay waxaan shacabka u rajaynayaa guul aan dhamaanin waxaan u rajaynaya inaaynu helno himilada iyo hiigsigeena”

Waxa kale oo isna halkaasi Ka Hadlay Wasiirka Arimaha dibeda ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar waxaanu ka hadlay qadiyada Somaliland isagoo ugu baaqayna inay walaalaha somaliya inay yihiin laba dal oo jaara, waxaanu yidhi “Maalintani waxay Xanbaarsantahay Taariikh gaara oo muhiima oo aad looga hadlay waana maalin qiimo ku leh taariikhda Somaliland oo muujinaysa gobonimo madax banaani iyo qaranimo ay shacbiga Somaliland goosteen oo ay go’aan ku qaateen inay dib u dhistaan qarankoodii waxaan halkan ka cadaynayaa himiladii qaranku lahaa ee an aan noqono dal madaxbanaan inay cadaatay oo dalkan iyo dadkaas ay u hirgashay maanta aan nahay qaran buuxa”

Wasiirka Duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sina dhinciisa cadeeyay in qaranimada Somaliland gorgortan gali Karin rabitaanka shacabkani cid baajin kartaa aanay jirin.

“Somaliland Waa Qaran Gaamuray oo maanta aan looga baqaynin inuu liico ilaahay idinkii mooyaane waa qarn taaba qaaday waa qaran tis qaaday waxaana qaranimadeena muujinaya labada erey ee ah 22 sano ayuu qaran ahaa oo loo dabaal degayaa hadii aan la amiinsanayn ujeeda ay xanbaarsantahay qaranimadaasi maanta soo gaadheen halkaas mabaadi’I hadaf iyo himilo xanbaarsan ayuu ku dhisanyahay”

Ugu Danbayntiina Xuskani maanta ka qabsoomay magaalada Burco ayaa Noqonayaa kii ugu balaadhnaa ee ka qabsooma magaaladatani burco mudo 22sano ah ka dib.

Burco (Somaliland.Org)-Waxa munaasabada xuska ee maanta ka qabsoontay magaalada Burco ay ahayd mid ka duwan xusaskii hore taasi oo ay ka muuqatay munaasibadani agaasim aad u balaadhani waxaana si weyen uga dhex muuqday ciidamada kala duwan ee qalbka sida ee booliska,qaranka,asluubta,baamboyda,ardayda Dugsiyada iyo shacbi weynaha kala duwan ee magaalada burco oo iyagu sitay astaamaha calanka Somaliland iyo sawirada madaxweynayashii soo maray Somaliland.