Abwaan Muuse Cali Faruur Oo Beeniyay War uu Qoray Wargeyska HUBAAL

Abwaan Muuse Cali Faruur Oo Beeniyay War uu Qoray Wargeyska HUBAAL

May 23rd, 2013 

Hargeysa (SM)- Abwaan Muuse Cali Faruur oo ka mid ah tirsan waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa galabta beeniyay war ku soo baxay Wargeyska HUBAAL ee cadadkiisii 248 ee soo baxay Khamiistii Maanta. Kaasi oo sheegayay in Agaasimaha Guud ee Warfaafintu ku gacan saydhay ergo ay ka dhex wadeen oo ay ku doonayeen inay ku baajiyaan wax loogu yeedhay amar ku taaglayn Agaasimuhu ku sameeyay Abwaan Cashuur oo ka tirsan Wasaarada Warfaafinta.

Abwaan Muuse Cali Faruur oo la soo xidhiidhay shabakada wararka ee Somaliland.Org, ayaa sheegay inaanu jirin wax ergo ah oo uu ugu tagay Agaasimaha Warfaafinta, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan moodi jiray in Wargeysyadu ay qoraan wax run ah, hase yeeshee waxaan maanta beeninayaa war saaka ku soo baxay Wargeyska HUBAAL oo sheegayay in Agaasimaha Guud ku gacan saydhay ergo aanu ugu tagnay Aniga (Muuse) iyo Abwaan Xasan Ganay oo aanu ku doonaynay inaanu ku dhex-dhexaadino Agaasimaha Guud iyo Abwaan Cashuur oo ka tirsan wasaaradda. Arrintaasi waa been abuur aan sal iyo raad toona lahayn.”

“Anigu (Muuse) Walaahi bil dhan indhaha maan saarin manaan arag, lamana kulmin Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Mudane C/Rashiid Jibriil Yuusuf, arrintan wargeysku qoray ee ay leeyihiin wuxuu warqad xerada lagaga celinayo u qoray abwaan Cashuurna waa ii saaka oo horeba uma maqal,”ayuu yidhi Abwaan Muuse Cali Furuur.
Oday Muuse Cali Faruur waxa uu u soo jeediyay wargeyska HUBAAL Inaanay ka been abuurin odayaasha waaweyn ee aan siyaasadda ku jirin, waxaanu yidhi “Waxaan u soo jeedinayaa Wargeyska warkan qoray inaanay odayaasha waaweyn ka been abuurin.”

Salaanmedia/Hargaysa