Af-hayeenka Xisbiga Waddani Laantiisa Denmark Oo Cambaaraynaaya Weerarka Loo Gaystay Gudoomiyahii Xisbiga Waddani Ee Gobolka Sool

Af-hayeenka Xisbiga Waddani Laantiisa Denmark Oo Cambaaraynaaya Weerarka Loo Gaystay Gudoomiyahii Xisbiga Waddani Ee Gobolka Sool.

Sool

Af-hayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark Oo Cambaaraynaaya Weerarka Loo Gaystay Gudoomiyahii Xisbiga Wadani Ee Gobolka Sool.

Copenhagen: Aniga oo ku hadlaaya dhamaanba Magac Xubnaha Xisbiga Wadani laantiisa Denmark, waxa aan si adag oo aan gabasho lahayn u Cambaaraynayaa Weerarka foosha xun ee lagula kacay Gudoomiyihii Xisbiga Wadani ee Gobolka Sool…Mudane Abdillahi Ali Digaale, isla markaana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka ee Magaalada Laascaanood. Hadii aanu nahay Masuuliyiinta Xisbiga Wadani, waxaanu leenahay wax loo dulqaadanaayo maaha Weerarkaa Gardarada ah ee lagula kacay Gudoomiye Abdillahi Ali Digaale. Xubnaha Xisbiga Wadani ee ku kala nool Qaarada Europe, Siiba Denmark waxa ay Xukuumada Somaliland iyo Masuuliyiinta Gobolka Sool ka Codsanayaan in si deg deg ah loo horkeeno sharciga dhagar-qabayaashii Weerka ku soo Qaaday Gudoomiyaha. Xildhibaanka oo Dhaawac ka soo gaadhay Garabka, ka dib markii si gaadmo ah loo toogtay ayaa la sheegay iminka in xaaladiisu fiicantahay loona soo qaaday dhinaca Hargeysa. Waxa aanu leenahay ka bogso dhaawacaa oo ILaahay nabar gardaro ha kaaga dhigo.

By: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com ( Af-hayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark) Â