Agaasimaha Nabad Sugida iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo La Magacaabay

Agaasimaha Nabad Sugida iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo La Magacaabay

May 2, 2013 

 

news-image1

Muqdisho May 02 2013 (SM)— Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho kaasi oo ay uga hadlayeen Amaanka dalka.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa lagu Magacaabay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo sidoo kale Taliyaha hay’adda Nabadsugida Qaranka.

Golaha ayaa meel mariyay in Bashiir Maxamed Goobe uu noqdo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Qaranka iyadoo Generaal Saacid loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Labada mas’uul ee la magacaabay ayaa horay xilla kala duwan uga soo qabtay dowladihii soo maray dalka waxaana la filayaa in ay xilalkooda la wareegaan.

Bashiir Goobe ayaa horay usoo noqday taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Garsoore Kubadda cagta iyo Koleyga, Agaasimihii Wasaarada Arimaha gudaha iyo amniga qaranka Dowladii Shariif iyo xilal kala duwan.

Si kastaba horay ayaa la hadal hayay in la xilka Taliyaha Booliska Soomaaliyeed loo magacaabayo qof cusub iyadoo Taliyihii hay’adda Nabad Sugida Fiqi uu horay isku casilay.

SM-Muqdisho