Bogga Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka oo lagu baahiyey inuu Somaliland Citiraaf siiyo

Bogga Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka oo lagu baahiyey inuu Somaliland Citiraaf siiyo

 May 16, 2013 

Washington (SM) – Iyaddoo loo diyaar-garoobaya xuska 22 guurada Madax-banaanida Somaliland ee ku beegan 18-ka bisha May, ayaa muwaadiniin reer Somaliland ah oo ku dhaqan dalka Maraykanku waxay dawladda Maraykanka ka codsadeen inay aqoonsi buuxa u fidiyaan Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama oo ay buuxisay shuruuddihii dawladnimo.

Obama Iyo Ra’isal Wasaaraha Britain Cameron Oo Washington Kana Wada Hadlay Arrinta Soomaaliya Iyo Sababta Somaliland Shirkii London Uga Qayb Gali Wayday

Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka, gaar ahaan caasimadda Washington DC, ayaa Mareegta aqalka cad ee dalkaasi loooga arrimayaa ku leeyahay Internet-ka ee (White house.gov), ku baahiyey codsi ah in Maamulka Madaxwayne Obama ay ictiraafaan Somaliland.

Codsigan oo lagu soo beegay xuska 22 guurada Madax-banaanida Somaliland oo sabtida looga debaal-degayo Somaliland iyo guud ahaan dalalka dibada ee shacabka reer Somaliland ku baahsan yahay, ayaa weedhaha ku qoran waxa ka mid ah  “Haddii adduunku ka soo horjeedo guurka khasabka ah, Maxaa Midnimo lanoogu khasbayaa”

Codsiga muwaadiniintan ku baahiyeen bogga aqalka cad ee Maraykanku ku leeyahay Internet-ka oo la galiyey shantii bishan, isla-markaana ku jiri doona ilaa 4-ta bisha June ee fooda inagu soo haysa ayaa muwaadiniinta reer Somaliland ee hawshan qabtay waxay codsadeen in la helo 100.000 oo ruux, kuwaasi oo iska diwaangaliya Mareegta aqalka cad ee codsigani ku jiro, si aqalka cad iyo dawladda Maraykanku u xaqiiqsado in qadiyadda Madax-banaanida Somaliland tahay muqadas u baahan in la garab istaago.

Muwaadiniinta Maraykanka ee muwaadiniinta reer Somaliland ka codsanayaan inay dawladdooda ictiraafto, ayaa qayb ka ah dadka la rabbo inay iska diwaangaliyaan mareegtaasi isla-markaana saxeexaan oo ay qalinka ku duugaan in Somaliland la ictiraafo.

Dawladda Somaliland, gaar ahaan Wasaarada arimaha dibada, siiba xafiiska diblumaasiyasadeed ee Somaliland ku leedahay dalka Maraykanka ayaa looga baahan yahay inay arinkaasi doorkooda ka qaataan isla-markaana bilaabaan wacyi-galin la xidhiidha sidii loo heli lahaa tiraddaasi loo baahan yahay, si dawladda Maraykanka ee codsigan loo diray ay tallaabo u qaado.

Xigasho Geeska