Booliska Burco oo Gacanta ku dhigay Nin Xaaskiisii Qudha ka jaray shalay 10.5.13.

12:21 am |

Booliska Burco oo Gacanta ku dhigay Nin Xaaskiisii Qudha jaray Maanta.

war-deg-deg-ah-160x87

Burco(Salaanmedia)- Booliska Burco ayaa gacanta ku dhigay nin maanta duhurnimadii xaaskiisa qudha ka jaray oo la odhan jiray Maxamed Axmed Xirsi, oo baadigoog xoogan boolisku u galeen qabashadiisa.

Booliska ayaa sheega inay ninkan qabteen isagoo doonaya inuu ka baxo magaalada,balse ay ku guulaysteen inay gacanta  ku dhigaan, waxaa boolisku u mahad celiyay cuqaasha iyo waxgaradka ninka falka gaystay oo gacan ka qaatay  soo qabashadiisa.

duqa magaalada Burco ayaa soo dhaweeyay qabashada ninka falka gaystay islamarkaana u hambalyeeyay cid kasta oo gacan ka gaysatay soo qabashada ninkan.

Caaqil Xasan Dhuux yare, oo ah caaqilka ninka falkan gaystay, kana mid ahaa dadkkii ka qaybqaatay soo qabashadiisa  ayaa xusay inay ka xun yihiin falka uu ku kacay ninkan,sidoo kalena tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxday marxuumadu.

ilaa hada lama oga sababta ninkan u dilay xaaskiisii oo la odhan jiray farxiya Daahir Geele, haseyeeshee  mudooyinkan dambe waxa ku soo kordhaya falalka noocan oo kale ah ee ku soo kordhaya magaalada Burco.

 

Xigasho Togdheer news