Cali Waran-cadde Oo Xukuumadda Ku Bogaadiyay Mawqifkeeda Qorshaha ICAO ku dhagaraynayso Somaliland

Cali Waran-cadde Oo Xukuumadda Ku Bogaadiyay Mawqifkeeda Qorshaha ICAO ku dhagaraynayso Somaliland

May 14th, 2013 Comments Off

“Talaabooyin kan iyo qaar kale oo badan oo ay hore isugu dayday Hay´adda Jimciyadda Quruumaha Midoobay u qaabilsan duulimaadku way ku guul dareysatay”

Hargeysa (SM)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Duulista hawadda iyo Gaadiidka cirka Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadda la sheegay inay Ha’yadda Qarammadda midoobay u qaabilsan duulista Hawada (ICAO) ay ku doonayso inay cashuuraha maamulka hawada Somaliland ku wareejiso dawladda Muqdisho.
Mudane Cali Warancadde waxa uu soo dhaweeyay go’aanka ay xukuumaddu ka qaadatay ee ay ku mamnuucday inay diyaaradaha qarramadda midoobay yimaadaan dalka. Waxa kale oo uu ku dooday in qorshe kasta oo qarramadda midoobay ku dhagaraynayso Somaliland ay aakhirka ku guul daraysan doonaan.
Sidaasna waxa Wasiirkii hore ee Duulista iyo hawadda Somaliland ku sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“MAR I DAGE ALLA HA DAGO, LABA GOOR I DAGANA ANAA IS DAGAY, Warka shalay ay soo wada saareen Muumulka Muqdisho iyo Hay´adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada, wuxuu meel ka dhac ku yahay Go´aankii Ummadda Reer Somaliland ay ku gaadheen in ay dib ula soo noqdeen Madax banaanidoodii luntay Lixdankii, iyo karaamada Qaranka Somaliland. Mana aha wax loo dulqaadan karro.
Arrintan iyo qaar kale oo badani waxay ka mid yihiin hagar daamooyinka la doonayo in lagu mijaxaabiya Qaranimada Somaliland, arrimahan ay ku kaceen maamulka Muqdisho oo ay ka mid yihiin in ay Gidaarka dabadiisa uga gacan haadiyaan Madaxda Qaranka somaliland qaarkood, oo aanu u aragno in ay doonayaan in ay shaki kala dhex dhigaan ummadda reer somaliland,waxaanay arrimahani keeni karaan in ay si dhaqsi ah u soo nooleyso colaadii hore iyo kala fogaansho hor leh oo la dhex dhigo Ummadaha Deriska ah ee Reer Somaliland iyo Somaliya.
Sidoo kale Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa waxaanu uga digaynaa in ay faragaliso ama ay gacan ka gaysato waxkasta oo ka dhan ah Karaamada, Haybadda iyo Qaranimnadda Somaliland. waxaanu si cad ugu sheegaynaa in Taladda iyo xukunka Xuduudaha Somaliland, haddii ay tahay dhinacyadda , BADDA, BARIGA, IYO CIRKABA ay ka go´aan Qaranka Somaliland, cid kale oo amar ka bixin kartaana ayna jirin.

Talaabooyin kan iyo qaar kale oo badan oo ay hore isugu dayday Hay´adda Jimciyadda Quruumaha Midoobay u qaabilsan duulimaadku way ku guul dareysatay.

Maantana anagoo ku bogaadineyna Talaabada uu ka qaaday wasiirka duulista iyo Hawadda somaliland arrintan foosha xun ee ay ka muuqato eexda iyo cadaalad darradu, waxaanu fileynaa in maantana ku hungoobi doonaan qorshahoodan laab la kaca ah. guul iyo gobanimo. ALLAA MAHAHD LEH.”