Ciiddamadda Amaanka Gabiley Oo Maanta Xabsiga U Taxaabay Caaqil Maxamed Qowdhan

Ciiddamadda Amaanka Gabiley Oo Maanta Xabsiga U Taxaabay Caaqil Maxamed Qowdhan

(S.Gabiley)- Ciidamada ammaanka Somaliland, ayaa maanta xabsiga  taxaabay  Caaqil  Maxamed Qawdhan oo ka mida ah madax dhaqameedka gobolka Gabiley.

Caaqilkan, ayaa la sheegay in   amarka xadhigiisa uu bixiyay badhasaabka Gabiley  Yuusuf Ibraahim Yamaarug, waxaana loo haystaa sida la sheegay  eedo uu Madaxweyne ku xigeenka  hore ugu jeediyay  oo uu sheegay  in badhasaabku masuul ka ahaa .

                                          

 

Caaqil  Maxamed Qowdhan , ayaa wakhtigan ku xidhan saldhiga dhexe ee Magaalada Gabiley ,  waxaana socda dadaalo ay wadaan madax dhaqameedka deegaankaa soo doonaya in  xabsiga looga sii daayo damiin ahaan.

Badhasaabka gobolka Gabiley, ayaan ka hadal  xadhiga Caqilka  oo si weyn looga dareemay deegaankaas.

 

Sm/HargeisaÂ