Ciiddamadda Amaanka Gabiley Oo Maanta Xabsiga U Taxaabay Caaqil Maxamed Qowdhan
(S.Gabiley)- Ciidamada ammaanka Somaliland, ayaa maanta xabsiga taxaabay Caaqil Maxamed Qawdhan oo ka mida ah madax dhaqameedka gobolka Gabiley.
Caaqilkan, ayaa la sheegay in  amarka xadhigiisa uu bixiyay badhasaabka Gabiley Yuusuf Ibraahim Yamaarug, waxaana loo haystaa sida la sheegay  eedo uu Madaxweyne ku xigeenka hore ugu jeediyay oo uu sheegay  in badhasaabku masuul ka ahaa .
                                         Â
Caaqil Maxamed Qowdhan , ayaa wakhtigan ku xidhan saldhiga dhexe ee Magaalada Gabiley , waxaana socda dadaalo ay wadaan madax dhaqameedka deegaankaa soo doonaya in xabsiga looga sii daayo damiin ahaan.
Badhasaabka gobolka Gabiley, ayaan ka hadal xadhiga Caqilka oo si weyn looga dareemay deegaankaas.
Sm/HargeisaÂ