Fanaanada Sahra Halgan Oo Lagu Marti-Qaadey Munaasibada 18ka May Ee Dalka Qatar

Fanaanada Caanka ah Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) ayaa Xuska Munaasibada Sideed iyo Tobanka May ee kasoo Wareegtey laba iyo labaatan guurada Gooni isu taaga Somaliland  kala qeyb galeysa Jaaliyada Reer Somaliland ee kunool dalka Qatar oo deyrtan si balaadhan oo mug leh ugu diyaar garrobay Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka bishan May.

Waxa Magaala madaxda Dooxa ee siweyn looga dareemayey, dhaqdhaqaaqa iyo soo dhaweynta ay

aaliyada reer Somaliland ee degan wadankaasi kusoo dhaweynayaan Fanaanada ku suntan Halgankii SNM Sahra Halgan iyo Xuska maalinta Qaranimda Somaliland ee 18ka May, oo ay kala qeyb qaadaneyso iyadoo Caweyska Munaasibadaasi loo asteeyay Huteelka Doha Place Hutel oo kamid ah Huteelada ugu Caansan Dalka Qatar iyadoo Munaasibadaasi Xuska 18ka May iyadoo lagu wado in ay Fanaanada Sahra Axmed Maxamuud(Sahra-halgan) soo  gaadho Wadanka Qatar maalinta Jimcaha galinka Dambe 17ka May iyadoo ay diyaar ugu yihiin Martiqaadka Munaasibadaasi Xubno Miisaan kuleh Jaaliyada Wadanka Qatar oo ay kamid yihiin C/fataax Cumar Aadan, Yuusuf Maxamuud Xirsi,Cawil Candub Cali Salaam, Cabdixakiim Cali Salaam, iyo Ciyaaryahaankii caanka ahaa ee Jamaal-Gadari oo isaguna dhinaciisa ka qabanqaabinaya Munaasibada Xuska Sideed iyo Tobanka May ee ay wacdaraha ka Geysaneyso Fanaanada Caanka ah Sahra-Halgan oo ay aad u xiiseynayaan kumanaanka Reer Somaliland ee ku sugan Dooxa iyo nawaaxigeeda iyo dalka Qatarba Guud ahaanba.

Fanaanada Caanka ah Sahra Axmed Maxamuud(Sahra-Halgan) ayaa inta ugu badan ee Bulshada Reer Somaliland ee ku sugan Dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ay si aad ah ugu xiiseeyaan Sooyaalkii ay kaga Qeyb qaadatey Halagankii SNM(Somali National Movement) oo ay habeen iyo maalin ugu jirtey mahadhooyin culus oo mid waliba waayihiisa lahaa taas, oo ay inta badan Sheegaan Fanaaniintii goob jooga ka ahaa halgankaasi oo uu kamid yahey Fanaanka Cabadinaasir Macalin Caydiid Boon Xirsi iyo kuwa kaleba, waxaana la filayaa in ay Munaasibadaasi 18ka May ee Maalinta Qaranimada Somaliland Fanaanada Sahra Halgan ay kaalin fiican ka qaadan doonto.