“Faroole Yaanu Moodin Inuu Ka Badbaadi Doono Xanuunka Geerida Meel Kasta Oo Uu Tagana Waannu Joognaa” Sheekh Xasan Maxamuud (Sheekh Xasan-Takar)

Mogdisho,9.5.13 (SM):- Sheekh Xasan Maxamuud (Sheekh Xasan-Takar) oo ah Aabbo dhalay mid ka mid ah dadkii dhalay dhalinyaro  maamulka Puntland uu dil ku fuliyay Salaasadii inna dhaaftay oo ku beegnayd 30-kii bishii dhammaatay ee April, isla markaana lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab, ayaa sheegay in uu Wiilkiisa u aar-gudi doono. Waxaanu ku hanjabay in aanu marnaba Madaxwaynaha Maamul-goboleedka Puntland ka badbaadi doonin in ay ku dilayaan meel kasta oo uu dunida ka tago.

Sh. Xasan Maxamuud oo la sheegay inuu ka mid yahay Culimada Soomaaliyeed, balse uu taageersan yahay Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Maamulka Puntland dhalinyaradii uu xukunka toogashada ah ku fuliyey,  in uu ka mid ahaa Wiil uu isagu dhalay. Sidaa daraaddeed-na wuxuu sheegay in Maamulka Puntland uu si gardarro leh uu ku dilay Wiilka uu dhalay, balse wuxuu sheegay inaan taas lagaga hadhi doonin.

“Cabdiraxmaan Faroole wuxuu kibir ku toogtay Wiilkii aan dhalay, laakiin waa ballan inuu dhadhamiyo xanuunka geerida. Faroole yaanu  moodin inuu ka badbaadi doono xanuunka dhadhanka mowdka. Haddii uu taggo Maraykanka, Carabta iyo meel kasta oo Caalamka ah, waa lagaga horreeyaa, waana lagu khaarajin doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Sh. Xasan-Takar. Waxaanu ku hanjabay inay qorsheynayaan weerarro ka dhan ah Maamulka Puntland, dhawaanna ay ku dhaqaaqi doonaan fulinta weerarradaas.

 

 

SM