Faysal Cali Waraabe oo dowlada Soomaaliya ku taageeray fikir cajiib ah.

Faysal Cali Waraabe oo dowlada Soomaaliya ku taageeray fikir cajiib ah.  
 

”Qaadka aan iska deyno oo lacagteena aynu gelino difaaca dalka”..Gudoomiye Faysal Cali waraabe

Injiner Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa waxa uu taageero ku siiyay dowalada Soomaaliya shirka maamul u sameynta gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

“Maamul u samaynta gobolada dalka ha looga danbeeyo Dowladda Soomaaliya”, Injiner Faysal Cali Waraabe ayaa yidhi .

Waxa uu intaa ku daray, “Dowlada waan ku taageersanahay halka ay ka istaagtay maamulka Kismaayo. Dowladu waa ku saxsantahay in ay maamullo gobalada u sameyso. Waxaan leeyahay qabiil waxba laguma dhisi karo. Dowlada ayaa waxa ay xaq u yeelaneysaa masiirka dalka. Qolada diidan ee qasaya dan gaar ah ayeey leeyihiin”.

Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa waxa uu xoojinayaa niyada dadka Soomaaliyeed ee sama jeceylka ah maadaama arinta Kismaayo ay waayihii danbe aheyd caqabada ugu weyn ee siyasada Soomaaliya ku qataaran dowladuna ay baadi goob ugu jirtay sidii ay u xali laheyd.

Salaanmedia/Mogdisho