Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Faysal Cali Warabe Oo Kulan Aan Hore Loo Sii Shaacin La Yeeshay Madaxda Somaliya Ugu Saraysa + Sawiro.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Faysal Cali Warabe Oo Kulan Aan Hore Loo Sii Shaacin La Yeeshay Madaxda Somaliya Ugu Saraysa + Sawiro.

Birmingham (SM) May11, 2013 Guddomiya Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Warabe ayaa si lama filaan ah waxa uu uga soo dhex muuqday  oo uu kulan qar soodi ah  la yeeshay wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha  Somaliya oo ku sugan wadanka Ingiriiska.

 

 

Gudoomiye Faysal Cali Warabe  ayaa waxa uu xalay ka soo dhex muuqday xaflad uu madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud kula hadlayay jaaliada reer somaliya ee kunool magalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, ayaa waxa ay cashada ku kulmeen Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID,kulankan oo aan ilaa iyo hada wax war ah laga hayn iyo wixii ay ka wada hadleen ayaa waxa ay wararku sheegayn in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamauud iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibada Fowsiya Xaji Adan,wasiirka iyo Gaashan Dhiga C/xakiin Fiqi  Gudomiye Faysal Cali Warabe ay kulan foolka fool ah wada yeesheen oo an ilaa hada an lagaranayn wixii ay ka wada hadleen,

majiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xisbiga UCID iyo waliba Faysal laftiisa.

Salaanmedia/UK