Hay’ada ECOTRA Oo Tababar U Qabtay Ajaanibka Ka Shaqeeya Hay’adaha Somaliland Ka Hawlgala

May 1st, 2013 

Dr.-Aadan

Hargaysa (SM):- Hay’ada Wadaniga ah ee ECOTRA ayaa shalay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa tababar uga furtay xubno ka mid ah dadka ajnabiga ah ee ka shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee Somaliland ka hawlgala.

Tababarkan oo socday muddo hal maalin ah waxa si wada jir ah iskaga kaashaday qaban qaabadiisa Wasaaraddaha Arrimaha Dibada, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Qorshaynta Qaranka, waxaana fulinaysay hay’ada wadaniga ah ee la yidhaahdo Elite Consultancy and Training (ECOTRA), tababarkan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii dadka ajnabiga ah ee ka shaqeeya hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga loo bari lahaa dhaqanka, dabeecadaha dadka reer Somaliland iyo deegaanka Somaliland.

Dr. Aadan Ismaaciil Xasan oo ah madaxa hay’ada (ECOTRA) ahna la taliyaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, isla markaana ah macalinka tababarkan bixinayay, oo hadal ka jeediyay munaasibadii furitaankaasi ayaa ka waramay ahmiyada tababarkani waxaanu sheegay in looga dan leeyahay sidii dadka ajnabiga ah ee ka shaqeeya hay’adaha dalka ka hawlgala loo iftiimin lahaa dhaqanka dadka reer Somaliland, waxna ay uga baran lahaayeen hab dhaqanka bulshada Somaliland iyo juquraafi ahaan dabeecada dhulka somaliland waxna ay uga baran lahaayeen.

Waxa kale oo uu sheegay Dr. Aadan in ay lagama maarmaan tahay in dadka ajnabiga ah ee Somaliland jooga la baro dagaaladii Somaliland ka dhacay iyo habkii loo maray nabadayntii Somaliland iyo dib u dhiskii dawlada Somaliland iyo sidoo kale hanaankii loo maray nabadyanta iyo samaynta dawlad ku dhisna habka dimuqraadiga ah isla markaana beesha caalamka ka sugaysa ictiraaf buuxa.

Dr. Aadan Ismaaciil Xasan waxa uu tilmaamay in arrintani daawo u tahay wax wayna ka tarayso in aaanay dadka ajnabiga ahi ku kicin waxyaabo ka baxsan diinta Islaamka iyo dhaqanka bulshadeena ama caadifad kicinaya oo ay umada reer Somaliland ka xanaaqaan.

Waxaanu yidhi “Waxaanu ugu talogalnay tababarkan dadka ajnabiga ah ee wadanka ka shaqaynaya inay bartan wadankeena, diinta taariikhda Somaliland, sida ay u shaqeeyaan haya’daheena iyo Wasaaraddeheenu, guud ahaan macluumaadka kala duwan ee dalkeena ee ku saabsan dhaqaalaha deegaanka, ujeedaduna waxay tahay dadka ajnabiga ahi inay fahmaan Somaliland waxay tahay si ay dadku adeegyada ay bixinayaan u noqdaan adeeg hufan dadkeenana ay wada shaqayn karaan”.
Madaxa hay’ada (ECOTRA), ahna la taliyaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Aadan Ismaaciil Xasan, waxa kale oo uu sheegay in tababarkani oo ah kii lixaad ee noociisa ah ee loo qabto dadka ajnabiga ah ee dalka ka shaqeeya, waxaanu xusay in dadka ay tababaradan u qabtaan ay si fiican uga faa’iidaystaan, isla markaana ay ka bartaan waxyaabo badan oo carqalad ay kala kulmi lahaayeen sida dadka la shaqaynaya oo ay dhaqankooda fahmaan iyo waxyaabaha amaankooda khatar ku keenaya.

Isaga oo arrimahaas ka hawlayana waxa uu yidhi “Waa markii lixaad oo tababarkan oo kale aanu qabano oo aanu dadka ajnabiga ah u qabano, runtii aad ayayna uga faa’iidaystaan, aadna way u jeclaystaan, waxyaabo badan carqalad ku noqon lahaa dhinaaca dadka la shaqaynayana way ka bartaan tababaradan, waanay kaga gudbaan, sababta oo ah waxay barteen dhaqanka, dabeecadaha dadkeena, deegaanka iyo diinta xataa nabadgelyadooda iyo waxyaabaha la xidhiidha oo waxay iska ilaaliyaan waxyaabaha nabadgelyadooda waxyeelaya marka ay tababaradan qaataan”.

Waxa kale oo oo uu sheegay Dr. Aadan in tababarkan looga dan leeyahay in dadka ajnabiga ah loo kala saaro tababarada marka ay magaalada Nayroobi ku soo qaataan llagu soo siiyo Soomaaliya oo dhan balse ay tababaradani u kala cadeeyaan dadkaasi inay Somaliland tahay dal ka madax banaan Soomaaliya laba dawladoodna ay kala yihiin.

Salaanmedia/Hargaysa