Heshiis loogu magac daray ‘The New Deal’ oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka warshadaha ku hor-maray ee G7 oo maanta Muqdisho lagu saxiixay (yaa saxiixay?)

Waddamada ku hor maray warshadaha ee G7 iyo dowladda Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub oo lagu taakuleynayo horumarinta dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka ee dalka geeska Afrika dhaca ee Soomaaliya ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Heshiis_Cusub_1

Xubno ka socday dalalka G7 ayaa ka qeyb-galay xafladda heshiiska lagu saxiixayay, iyada oo dhinaca dowladda federlka Soomaaliya uga qeyb-galay R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Saleebaan iyo xubno kale oo labada gole ka tirsan.

Heshiiska cusub ee la yiraahdo “The New Deal” ayaa lagu sheegay in lagu taageeri doono dowladda Soomaaliya oo ka baxday kumeel gaarkii sidaa darteedna aduunyadu ay dhaqaaligii ay siin jirtay xilligaan si toos ah ugu wareejin doonto oo wax hey’ada ah an loo soo marsiin doonin.

Heshiiskaan ayaa waxaa la filayaa in uu wax badan ka bedelo xaalada dalka Soomaaliya maadaama ay meesha ka bixi doonaan heyadihii dulaaliinta ahaa ee dalka Soomaaaliya dhaqaalaha loogu tala galo inta badan afka ku shuban jiray.