Ilwaad Elman Cali Axmed iyo barnaamijka tiiraanyo bixinta ubadka Soomaaliyeed

Ilwaad waxaa dhalay Elman Cali Axmed, Soomaaaliya ayay kusoo laabatay si dadkeeda iyo dalkeeda u caawiso

Magaceedu ee Ilwaad , waxaa dhalay Elman Cali Axmed oo la diley 1996-dii isaga oo ku kala dhex jira maleeshiyaad dagaalamaya, waxa ay haatan la wareegtey hey’addii aabaheed ee Elman. 

Dalka dibadiisa ayay kasoo laabatay, waxayna mustaqbalkooda dhiseysaa boqolaal caruur ah oo hubka dhigey, kuwaasi oo u baahan in ay nolol wanaagsan helaan, mustaqbalkoodana hagaago.

Mid ka mid ah mashaariicda ay Ilwaad wado ayaa waxaa ka mid ah waxa loo yaqaano Tiiraanyo Bixin, waxayna ubadkani maskaxdooda ka dhayaysaa dhibaatadii dagaalada ka gaaray, iyadoo u fulineysa la talin, caawin, iyo waliba tabobar xirfado ay ku shaqaystaan.

Xarunta Elman waxa ay ka midtahay kuwa dalka ka jira ee shaqooyinka wax ku oolka ah qabta, iyagoo isticmaala isboortiga iyo tacliinta si ay ugu badalaan maskaxda caruurta hubka loo dhiibey.

Xigasho Xog-Maal