Kooxda Juventus oo markii 29-aad qaaday horyaalka Talyaaniga (Scudetto) & FC Chelsea oo Man Utd ku soo garaacday Old Trafford (Sport News).

Kooxda Juventus oo markii 29-aad qaaday horyaalka Talyaaniga (Scudetto) & FC Chelsea oo Man Utd ku soo garaacday Old Trafford (Sport News).

 

*** Horyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A oo la ciyaaray kulankiisii 35-aad ayaa waxaa lagu kala baxay isaga oo ay ka harsan tahay 3-kulan. Kooxda Juventus oo garoonkeeda ku tuntay naadiga Palermo ayaa guushaas waxa ay ka dhigan tahay Juventus oo horyaalka Serie A qaaday mar keedii 29-aad iyo markii labaad oo xiriir ah (Scudetto).

Juventus oo Rigoore 1-0 ah ku garaacday naadiga Palermo waxaa goolkaas agoonka ah u saxiixay xiddiga Qaranka Chile Arturo Vidal (daqiiqadii 59-aad). Taageerayaasha kooxda Juventus oo ka yaabsaday Talefishinadii soo tabinayay ciyaartaan ayaa waxa ay garoonka la soo dhex galeen boorar ay ku qorteen sidatan(31-Scudetto).

Taageerayaashaan ayaa xisaabta ku darsaday 2 Horyaal oo ganaax ahaan kooxda Juventus looga jaray sanadkii 2006-kii waxaana xiligaas horyaalka Talyaaniga loo caleemo saaray kooxda Inter oo kaalinta labaad ku jirtay.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2012-ka markii uu bilaabmayay horyaalka dalka Talyaaniga ee Serie A waxaa kooxda Juventus dhanka dhibcaha bursanayay kooxaha kala ah SS Lazio, AC Milan iyo SSC Napoli oo ugu dambeeyntii dhamaantood ka daba daalay naadiga Juventus.

Kooxda Juventus oo iminka horyaalka dalka Talyaaniga ku hogaamineeysa 83-dhibcood waxa ay noqotay kooxda ugu Difaaca wanaagsan ka dib markii 35 kulan laga dhaliyay 20-Gool oo kaliyah.

*** Kulan adag oo dhex maray kooxaha Lazio Vs Bologna ayaa waxaa 6-0 lagu xaaqay kooxda Bologna. 5 ka mid ah Goolasha kooxda Lazio waxaa u dhaliyay weeraryahanka Qaranka Germany Miroslav Klose (daqiiqadihii 22-aad, 36-aad, 39-aad, 50-aad iyo 61-aad). Goolka kale kooxda Lazio waxaa u saxiixay ciyaaryahan Hernanes (daqiiqadii 32-aad).

*** Kooxda Napoli oo garoonkeeda ku qaabishay naadiga Inter Milan oo boolo noqday waxa ay dhabarka u soo saareen 3-1. Goolasha Napoli dhamaan waxaa u wada dhaliyay weeraryahanka Qaranka Uruguay Edinson Cavani . Kooxda Ac Milan oo marti galisay naadiga Fc Torino waxa ay ku suul daareen 1-0 waxaana goolkaas agoonka ah kooxda Ac Milan dhamaadkii ciyaarta u saxiixay weeraryahan Mario Balotelli.

*** Horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League oo la ciyaaray kulankiisii 36-aad waxaa garoonkeeda qaaska ah ee Old Trafford lagu qararamsaday kooxda the Red Devils Manchester United. Man Utd waxaa 0-1 ku soo garaacday Fc Chelsea oo u dagaalameeysa kaalinta 3-aad ee horyaalka Ingiriiska si ay uga qeeyb galaan xili Ciyaareedka soo socda koobka Uefa Champions League .

Goolka agoonka ah ee kooxda Fc Chelsea waxaa dhamaadkii ciyaarta daqiiqadii 87-aad u saxiixay xiddiga Qaranka Spain Juan Mata .Kooxda Man Utd dhamaadkii ciyaarta daqiiqadii 89-aad waxaa Rooso laga siiyay xiddiga reer Brasil Rafael Da Silva.

HORYAALKA INGIRIISKA AYAA ISBUUCAAN KOOXAHA WAXA AY ISKU MACSALAAMEEYEEN QAABKAAN :

SABDI :
Swansea Manchester City 0:0
Norwich Aston Villa 1:2
West Bromwich Wigan 2:3
West Ham Newcastle 0:0
Fulham Reading 2:4
Tottenham Southampton 1:0
Queens Park Rangers Arsenal 0:1
AXAD :
Liverpool Everton 0:0
Manchester United Chelsea 0:1
ISNIIN :
Sunderland Stoke 21.00

KALA HOREEYNTA KOOXAHA
1. Manchester United 36 27 4 5 79:37 85
2. Manchester City 35 21 9 5 61:31 72
3. Chelsea 35 20 8 7 69:35 68
4. Arsenal 36 19 10 7 67:36 67
5. Tottenham Hotspur 35 19 8 8 61:43 65
6. Everton 36 15 15 6 52:38 60
7. Liverpool 36 14 13 9 67:42 55
8. West Bromwich Albion 35 14 6 15 48:47 48
9. Swansea City 35 10 13 12 43:44 43
10. West Ham United 36 11 10 15 41:49 43
11. Stoke City 35 9 13 13 31:41 40
12. Fulham 36 10 10 16 46:57 40
13. Aston Villa 36 10 10 16 44:65 40
14. FC Southampton 36 9 12 15 47:58 39
15. Norwich City 36 8 14 14 34:56 38
16. Newcastle United 36 10 8 18 43:66 38
17. Sunderland 35 9 10 16 39:51 37
18. Wigan Athletic 35 9 8 18 42:64 35
19. FC Reading 36 6 10 20 41:67 28
20. Queens Park Rangers 36 4 13 19 29:57 25