West London Somaliland Community Oo ah communitiga qudha ee kuyaala qurbaha gaar a haan qaarada Yurub Oo u Badheedhay

London,2.5.13,Khamiis(SM)West London Somaliland Community Oo ah communitiga qudha ee kuyaala qurbaha gaar a haan qaarada Yurub Oo u Badheedhay

In ay Samaystaan Community Ka madaxbanaaan Somalida Halka jaaliyadaha kale ee Reer Somaliland Ay Wali Is ticmaalaan Magaca Somali Community

ayaa caawa kulan balaadhan la qaatay wasiirka madaxtooyada Somaliland oo uu waheliyo xoghayaha gaarka ah ee madaxwaynaha Somalilnd Mr cali ahmed cali Kulankan Oo ahaa Mid isbarsho Iyo xogwaran Ayaa waxaa halkaa hadal Soo dhawayn Ah Kasoo jeejiyey GudoomiyahWest London Somaliland Community Mr Iimaan mohamed ciise oo Wasiirka Kusoo Dhaweeyey Casuumada Ay U fidiyeen una mahadnaqay wasiirka sida uu uga aqbalay casuumada ay u fidiyeen waxaanuu gudoomiye iimaan Mohamed Ciise war bixin kooban ka siiyey xaalada iyo qaabka uu u shaqeeyo West London Somaliland Community uuna Cadeeyey In West London Somaliland Community U taagan Yahay Ilaalinta isku xidhka jaaliyada reer Somaliland u dagaalanka Qadiyada Madaxbanaanida Qaranka Somaliland waxa kale oo halkaa hadal aad u qiimo badan ka soo jeedisay gudoomiye ku xigeenka West London Somaliland Community Marwo Saynab Omar oo Ka Hadashay Marxalada Kala Duwan ee uu soo Maray West London Somaliland Community Kana Hadashay Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland Wasiirkana Ku Amaantay Wax Qabadka Ay Xukumad Ahaan u Qaadeen Dhanka Dublamaasiyada Dhanka Waxaa Isna Khadka Telafoonka Shirkaa Kaga Qayb Galay Agaasimaha West London Somaliland Community Mr Iid Xasan Muuse Wasiirka usoo jeediyay Talooyin Muhiima ah oo Ku Saabsan Qaabka ugu Haboon ee somaliland ugu kicitimi karto dhanka citiraafka ay caalamka ka helo Somaliland Agaasime Iid Xasan ayaa ah Dadka Sida wayn ugu ololeeye Qadiyada madaxbanaanida Somaliland Waxaa Goobtaa Ka hadlay Qaar Kamida Waxgaradka Iyo Taageerayaasha West London Somaliland Community oo dhamaantood Wasiirka u jeediyey Talooyin Muhiima

dhanka kale wasiirk madaxtooyada Somaliland ayaa goobtaa ka jeediyey warbixin dhamays tiran oo dhan walba taabanaysa una sheegay shacabka in dalku maanta gaadhay guulo aad u waawayn balse loo baahan yahay in shacabka iyo jaaliyada reer somalilnd ay noqdaan mid una adeegaan danta qaranka wasiirka ayaa ku dheeraaday wadahadala Somalia iyo Somaliland wuxuu cadeeyey in wadahadalada ay Somaliland ka heshay guulo la taaban karo wuxuu wasiirku cadeeyey in mowqifka Somaliland uu yahay dal madaxbanaan cid ka noqon kartaan aanay jirinWasiirka Waxa Kale oo uu daboolka ka Qaaday in Dalka Somaliland ay kusoo fooleeyihiin shirkado waawayn oo baadhi doona macdanta dalkeenu hodanka ku yahay wasiirka oo ka hadlaaya dhanka shiidaal baadhista ayaa wuxuu cadeeyey in Dalka shiidaalkiisa Iyo Khayraadkiisa ay Masuul Ka tahay dawlada dhexe ayna tahay hanti qaran oo wada leeyihiin Somaliland oo dhan ee aan deegaan iyo qolo toona sheegan Karin Waxaanuu Wasiir Xirsi Cadeeyey In Dalka Laga Baadhayo Shidaalo Iyo Wax Kasta oo Ay dan U arkaan Xukumad Ahaan Cidna aan Loo dabafadhiisanayn ee dawladu ay wadato maamulkeeda

Wasiirk ayaa Sheegay In dalka somaliland ay hayso Laba Aafo oo Curyaamiyey qaranimada ku waas oo ah QAADKA IYO QABYAALADA loona baahan yahay sidii loogu guntan lahaa in kuwaas laga cidhib dalkeena

 

 

wasiirka ayaa qurba jooga ku dhiiri galiyeyn in ay u kacaan dhanka horu marka dalka kana shaqeeyaan arimaha bulshada iyo raadinta citiraafka uu qaranka Somaliland ku naaloonaayo Waxa Kale Wasiirku Ugu baaqay jaaliyada in ay sameeyaan Mid Nimo

Wasiirka ayaa waxaa goobtaa lagu waydiiye 24 su.aalood oo xanbaarsanaa Nooc Kasta Wasiirka ayaa gabi ahaanba Mid mid uga jawaabay kuna wixii su.aalo la waydiiyey isku soo duuboo kulankan ayaa ku soo afmeermay sidii loogu talo galay waxaan ay Jaaliyada West London Somaliland Community Wasiirka u qadimeen wixii talo iyo tusaale ay hayeen

 Salaanmedia/London