Madaxweynaha Somaliland maanlinta Sabtida la kulmi doona & R/Wasaaraha Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland & R/Wasaaraha Itoobiya Oo Kulan Ku Faaqidaya Wax-wada qabsiga labada Dal

May 1st, 2013 Comments Off

Addis-ababa (SM)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal ku jooga magaaladda London ee dalka Ingiriska, ayaa la sheegay inuu u soo kicitimayo dalka Itoobiya oo uu maalinta Sabtida gelinka dambe kulan kula yeelan doono Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa In Kulankan labada hoggaamiye ee Somaliland iyo Itoobiya ay kaga hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga labada dal ee ku wajahan dhinacyada adkaynta nabad-gelyadda, Ganacsiga iyo siyaasadda.

Waxa kale oo la sheegay in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn. Ay kulankooda ku falan-qeyn doonaan qodobo kale oo la xidhiidha ammaanka mandaqadda iyo in dawladda Itoobiya Somalilanbd kala shaqayso sidii ay xubin sharafeed uga noqon lahayd Urur-goboleedka IGAD iyo midowga Afrika AU-da.

Kulankani waxa uu noqonayaa kii u horeysay ee labada Hoggaamiye ay kaga wada hadlaan xidhiidhka labada dal tan iyo markii dabo-yaaqadii sanadkii hore uu xilka qabtay Raysal wasaare Hailemariam Desalegn.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxay dhawaan ka soo laabteen dalka Maraykanka oo ay ku sugnaayeen muddo todobaad ah, waxaana ay la kulmeen mudadii ay joogeen Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadda, saraakiil ka tirsan wasaarada Difaaca, Ganacsato kala duwan oo danaynayay inay maal-gashadaan Somaliland.

Salaanmedia/Hargaysa