Madaxweyne Siilaanyo Oo Itoobiya ku Bogaadiyay 22-guuradda markii la riday Taliskii Mingiste

Madaxweyne Siilaanyo Oo Itoobiya ku Bogaadiyay 22-guuradda markii la riday Taliskii Mingiste

May 27th, 2013 

Hargeysa (SM)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dawladda iyo shacbiga dalka Itoobiya oo uu ku bogaadiyay munaasibadda 22 guuradda ka soo wareegtay markii shacbiga Itoobiya ay ka guulaysteen rijiimkii Mingiste.

sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Xoghayaha Gaarka ah ee xafiiska Afhayeenka madaxtooyadda Mudane Naasir Yuusuf Daahir, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaaya afka Shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dalka aynu wallaaha iyo Jaarkaba nahay ee Ethiopia iyo Shacbi weynaha Dalkaasi.

Madaxweynuhu wuxuu ku Hambalyeynayaaya sanad guurada 22-aad ee ka soo wareegtay markii ay shacbiga Ethiopia ka guulaysteen Rajiimkii militeriga ahaa ee xiligaasi xukumaayey Dalka Ethiopia oo ku beegan 28/05/2013.

Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Ethiopia Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajaynayaa Shacbiga iyo Dawladaba inay Sannadka, Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Ethiopia oo ka sii horumarta halka ay maanta marayso.”

Salaanmedia/hargaysa