Minnesota iyo Xafladdii 18ka May 2013 Xafladdii Ugu Weyneyd Abid ee lagu Xuso 18 Ka May+Sawiro

Minnesota iyo Xafladdii 18ka May 2013 Xafladdii Ugu Weyneyd Abid ee lagu Xuso 18 Ka May+Sawiro

 

Published: 21/05/2013 @08:10

 

 

Waxa habeenkii Sabtidii ee ay taariikhdu ahay 18kii May 2013 ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA xaflad aad u weyn oo ay kasoo qayb galeen dad aad u tiro badan oo isugu jira Somalilanders, Maraykan iyo Soomaali kaleba. Waxa xafladaasi kasoo qayb galay saraakiil sarsare oo ka socday dawladda Maraykanka oo isugu jiray Senetors, Congressmen/congresswoman iyo saraakiil kale oo ka socotay xisbiga Dimuraadiga (Republican Party). Xaga madaxda Somnaliland waxa kasoo qayb galay madax sarsare oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muse Biixi Cabdi, Xoghayaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee xisbiga UCID, Yusuf Budle, iyo Gudoomiyihii hore gobolka Saaxil, Mr. Ramaax,  Sh Sacad Muse, Oday Dhaqamed Mohamed Hassan Hayd ,Xaga fanaaniinta waxa ka qayb galay Hodan Abdirahman, Rahma Ismail (Rahma Roos), iyo Amina Omar Dhulle, Khadar Ilka Case, Ahsaab, iyo Khalid Abshir..

 

Halkaasi oo runtii aad si aad ah loogu debaaldegay waxa si gaar ah hadaladooda loogu riyaaqay qaar ka mid ah madaxdii halkaas ka hadashay oo uu u horeeyo Senator Dan Hall oo ku booriyay umadda Somaliland in ay halkaas kasii wadaan dedaalkooda, kuna amaanay dhamaanba jaaliyadda Somaliland xidhiidhka ay la soo sameeyeen, gaar ahaan Xoghayaha Arrimaha Dibedda UCID, Mudane Yusuf Budle oo ka masuul ahaa soo casumida dhamaanba madaxda Maraykanka ah ee goobtaas kasoo qayb gashay.

 

Waxa iyadana goobtaas laga akhriyay waraaq aad u qiimo badan oo ay usoo qortay dadweynaha Somaliland Congresswomen-ta ugu caansan xisbiga republican-ka, isla markaana ah madaxa ururka USA T-party, isla markaana ah haweenay mar u oraday in ay noqoto madaxweynaha dalka Maraykanka, Congresswomen Micheal Bachmann. Waraaqdaas waxa ay kusheegtay in ay hiil iyo hooba la garab taagan tahay dawladda iyo shicibka reer Somaliland ugana ololayndoonto dalkan Maraykanka, haddii ay ka hesho codsi toos ah dawladda Somaliland. Waraaqdaas oo ugu dambayntii gacanta laga geliyay Xoghayaha arrimaha dibedda ee UCID, Mudane Yusuf Budle si uu u gaadhsiiyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo.

Halkan Guji Si Aad u Daawato Sawiro Xafalada 18 May Minnesota USA

La Soco xafladan oo Maqal iyo Muuqaalba ah Inshaa Allah.