Mucjisooyinka iyo awooda rabaaniga ah ee nabiga CSWS uu ilaahay ku maneystay iyo Qiso Dhab ah (Daawo Muuqaal+warbixin)

Mucjisooyinka iyo awooda rabaaniga ah ee nabiga CSWS uu ilaahay ku maneystay iyo Qiso Dhab ah (Daawo Muuqaal+warbixin)  
 

Mucjisooyinka iyo awooda rabaaniga ah ee nabiga CSWS uu ilaahay ku maneystay ayaa waxaa la sheegay in dhawaantaan un la ogaaday iyadoo la kaashanayo teknolajiyada cusub iyo qalabka casriga ah ee ka jira hada aduunka.

Ka dib markii ay diinta islaamka soo baxday oo ay dad badan muslimeen ayaa waxaa sidoo kale diinta islaamka qaatey dalka Yemen iyadoona uu waqtigaas uu nabiga CSWS u diray dalkaas Yemen qaar ka mid asxaabtii si ay u baraan diinta islaamka dalka Yemen maadaama ay dalkaas ku cusbeyd diinta, Hadaba xilligii uu nabiga CSWS u diraayey asxaabta dalkas Yemen ayuu waxaa uu u sheegay inay ka dhisaan dalkas Yemen gaar ahaana magaalada Sanca masaajid asagoona uu nabigu CSWS uu waqtigaas bixiyey astaamaha masaajidka laga dhisaayo dalkaas Yemen nabiga CSWS ayaa waxaa uu u shegay inay ka dhisaan magaalada Sanca masaajid ku aadan buurta Deera oo ka maraaya buurtaas fiiqeeda ama barta ugu sareysa ilaa uu sidoo kalena uu masaajidkaas si toos ah uu ugu aado bartamaha Kacbada, Hadaba dhismaha masaajidkaas oo hirgalay ayaa dhawaantaan baaritaan la sameeyey iyadoo la kaashanaayo teknoolajiyada casriga ah ee waqtigaanka iyo satalite waxaa la ogaaday inuu masaajidkaas uu u dhisan yahay sida uu nabiga CSWS uu ku bixiyey amarka waqtiga laga joogo iminka in kabadan dhowr iyo toban qarni iyadoona ay xilligaasi aysan jirin aqoon iyo horumar lagu gaaro karo in sidaas la isugu aadiyo

Ugu danbeyntiina iyadoo arintaan ay tahay mid ku cibra qaadasho mudan islamarkaana noqotay mucjiso ay la yaabeen dhamaan dadka aduunka oo dhan ayaa dhab ahaantii aysan dhici karin in qof caadi ah uu sameeyo arintaasi oo kale iyadoona ay arintaan daliil ay u tahay awooda xad dhaafka ah ee uu ilaahay siiyey nabigeena suubanaa CSWS, Run ahaantii waxaa ah arin iska cad inaysan marnaba dhici karin in qof aan isticmaalayn qalab casri ah uu laba wadan oo kala fog uu sidaas oo kale uu isugu cabiri karo ilaa aysan jirin awood rabaani ah oo uu kaashanaayo una fududeynayso arintaas taas oo sida ay muuqatan uu ilaahay siiyey awoodaas Nabigeena CSWS.

DAAWO VIDEOWGAN HOOS RIIX