Puntland Oo Dad Soomaali ah u Diiday In ay Ka Soo Dagaan Dekadda Boosaaso Iyo Haween Iyo Caruur Ay Dhibaato ku hayso Dekadaha Yemen.

Puntland Oo Dad Soomaali ah u Diiday In ay Ka Soo Dagaan Dekadda Boosaaso Iyo Haween Iyo Caruur Ay Dhibaato ku hayso Dekadaha Yemen.

Boqolal Qaxooti Somali ah oo doonayay in ay dib ugu laabtan Dalka Somaliya ayaa ku xaniban qaar ka mid ah dekadaha Dalka yemen.

image

Qaxootigan oo u badan Haween iyo caruur ayaa hor dhooban iridda hore ee dekadda Mukalla, iyagoo sugaya in mar un loo ogaaldo in ay wadankooda dib ugu laabtaan.

Sababta loogu diidayay dadkan in ay ka dagan Dekadda Bosaso ayaa lagu macneeyay in Maamulka puntland uu mamnuucan in doomaha ka yimaada yemen ay soo qaadan dadka rakaab ka ah oo u badan qaxooti in badan ku dhibataysnaa dalkas, marka laga reebo kuwa u dhashay deegaanada Puntland.

Waxaa naxdin iyo murugo badan igu reebtay markan arkay haween iyo caruur somaliyeed oo habeen iyo maalin fadhiya meel shamiito ah oo banaan iyagoo sugaya in loo ogalaado mar un in ay tagan Soomaaliya.

Dadka loo diiday in ay tagaan Boosaaso waxaa mar mar cunooyin u geeya ganacsato somaliyeed iyo guduumiyaha gobalka Hadramuot ee dalka yemen.

Arinta layaabka noqotay ayaa ah in dad ka somaliyeed loo diido in ay ku laabtan wadankooda waxayna arintan noqonaysaa mid caalamka ku cusub.

Maamulka puntland kama hadlin arintan ay ka cabanayaan dadka shacabka ah ee loo diiday in ay ka dagan Bosaso, waxaana arintan Warbaahinta u xaqiijiyay milkiilayaasha doomaha.

Dowlada Soomaaliya oo qaaday mas’uuliyada daka Soomaliyeed ayaan iyana wax muuqda ka qaban dhibaatada uu maamulka puntland kula kacay dadka dhibaataysan ee doonaya in ay u laabtan guryahoodii waxaana nasiib daro ah in 22 sano kabacdi howshu u muuqo in la isku takoorayo ama la isku fogaynayo qaab qabiil.

Wariye booqday dekadda Mukalla ayaa soo sheegay in uu arkay qaar ka mid ah dadka safrayay oo la waydiinayo halka ay ka daganyihiin Soomaaliya waxaana si gaar ah loo tixgalinayay dadka ka soo jeeda puntland oo si hoose loogu ogalanayay in racan doomaha halkaa ka baxayay.

Yemen waxay ka mid tahay wadamada ay u qaxeen somalidu waxaana ku haysta dhibaatooyin baaxad leh, arinta la sheegay in maamulka faroole uu ku dhaqaqay ayaa ka dhigan mid sii kala dhantali karta midnimada iyo is jecaylka umadda Soomaliyeed.

Dadkan Soomaliyeed oo ay kulayla iyo qoraxdu ku hayso Dekadda Mukalla ayaa baaq u diray madaxda dowlada Somaliya, maamulka Puntland iyo wax garadka somaliyeed waxayna ka codsaneen in loo ogalaado in ay dalka soo galan maadama aysan awoodin in ay racan diyaaradaha.