Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Khudbado ka jeediyay Jaamacado ku yaala Dalka Mareykanka (Daawo Sawirada)

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Khudbado ka jeediyay Jaamacado ku yaala Dalka Mareykanka (Daawo Sawirada)  

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xiligan kusugan Dalka Mareykanka ayaa khudbado ka jeediyay Jaamacado ku yaala Dalkaasi sidoo kale kulamo la qaatay madax hore oo Mareykanka katirsanaa iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dalkaasi kunool.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn waxa uu Khudbad xasaasi ah uu kaga hadlayay Marxaladihii kala duwanaa ee dalka soo maray gaar ahaan intii uu xilka hayay waxa uu ka jeediyay jaamacada More house Collage oo ku taalo magaalada Atlanta, Georgia.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale khudbad ka jeediyay jaamacadda Elizabeth City State University(ECSU) oo ku taalla gobolka North Carolina, waxa uuna kaga hadlayay Marxaladaha Waxbarasho ee qaarada Afrika gaar ahaan tan ka jirta xiligan Dalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa la gudoonsiiyay Hadiyo kala duwan waxaana lagu amaanay in marxalad adag uu ku hogaamiyay dalka Soomaaliya kana samato bixiyay dhibaatooyin badan iyo sida uu ugu guuleestay soo celinta Qaranimadii Soomaaliya .

Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta jaamcadda iyo madax hore oo ka tirsaneyd dowalda Mareekanka oo uu ka mid yahay Ambassador Andrew Young oo ahaa danijrihii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Mareykan xilligii madaxwayine Jimmy Carter, sidoo kale wuxuu ahaa duqa magaalada Atlanta 1982-1990.

Salaanmedia/Mogdisho
















Â