SIYAASIYIINTA SOMALILAND MA YAQAANAAN WAAN KHALDAMEE RAALI HA LAYGA AHAADO

 

Manaynu arag mid qudha oo yidhaahda go aankii aan qaatay wuu khaldanaaye , laakiin iminka waan xisaab tamay , oo go aankaa wan ka noqday , ma dhicin mid qudha oo geesinimadaa layimaadda  oo ku dhacaa yeesha . WAAYO TOLOW .. BAL ADBA . 
Mana jiro wariye barnaamij soo gudbiya oo yidhaahda , arimihii aan idiin sheegay barnaamijkii hore , khalad ayay ahaayeen eerali dadwaynuhu hayga ahaadeen .
Waanay yartahay inay , warbaahintu sida jaraa idku arintaa samayso . oo warkii BEENTA ahaa ee ay soo gudbisay tidhaahdo , war been ah oo khaldan buu ahaye akhristayaashu  RAALI ha ahaadeen .
Inkasta oo ay jiraan qaar beenta wayn intay bogga koobaad ku soo daabacaan , raali gelintana bogaga dhexe meel yar ku soo qora .
Hadaba siyaasiyiinta waxaan u sheegaynaa , inaanay ahayn  warbaahintu  meel laysu mariyo khilaafaadka iyo sawaxanka – wararka aan raad iyo asaltoona lahayn ee naxliga iyo fitnada -dhibaatooyinka abuura –  waa inay ka waan tooba , waxyaabaha aan dalka iyo dadka waxba u tarayn .
Maaha xoriyatul qawlku inaad dadka caydo ama aflagaadayso . oo aad ceeb iyo fadeexado anu lahayn , ku sheegto qofka kale .
Arimahan AKHLAAQDA KA BAXSAN WAA INAY SIYAASIYIINTU IYO WARBAAHINTUBA KA WAAN TOOBAAN .
Waa inay ogaadaanna siyaasiyiintu marka ay damcaan inay mikri foonka isa soo hor tagaan ama tv ga soo hor fadhiistaan ama waraysi lala yeesho .
Waa inay ku xisaab tamaan in QAWLKU amaano yahay , haddii aan garsoorku xisaabin (maxkamadda) oo aan ifka lagu xisaabin WAA mid AAKHIRO u taala oo aan laga saamaxayn .
Hadaba waa laydin ka shasisan yahay ee intaan laydinka AAMIN bixin  , shacabka uga warama AMAANADII ay idiin dhiibteen ee ay idiin doorteen inaad wax uga qabataan , MEESHA AY MARAYSO ? 
 XAGGA AY U SOCOTO ?
WAXA HORTAAGAN ?
XAGGA AAD UGA GUDBAYSAAN ?
Waxaa siyaasiyiinta somaliland xiligan kala guurka ah looga dhadhiyaa , inay shacabka RUNTA U SHEEGAAN OO U SOO BANDHIGAAN . OO AMAANADII LOO DHIIBTAY AANAY IYAGU KU TAGRI FALIN OO SIDAY DOONAAN  KA YEELI KARIN .
Waa inay AMAANADII LOO DHIIBTAY SOO HORDHIGAAN (SHACABKA) OO SHIRWAYNE QARAN QABTAAN .
MAAHA KOLBA SIDAY DOONAAN INAY YEELAAN –MAR YIDHAAHAAN SHIRKA WAANU TEGEYNAA IYAGOON CIDNA LATASHAN .
MARNA AY YIDHAAHDAAN SHIRWAYNE QARAN AYAA LAGA YEELANAYAA ARINTAN  .
HADANA MAR KALE INAY GO AAN XUKUUMADDU ISKA GAADHO MAAHA OO AY YIDHAAHDAAN SHIRKA MA TEGEYNO  , IYAGOON WAX SABABA SHEEGIN .
MAAHA DALKU HANTI IDIIN GAARA EE WAA AMAANO LAYDIIN DHIIBTAY OO AY AY TAHAY SHURUUCDA IYO DISTUURKA DALKA UYAALA EE LOO CODEEYAY INAAD KU MAAMUSHAAN .
MAAHA XILKU MID AAD SIDAAD DOONTAAN AAD KA YEELI KARTAAN .
WAA MAS UULIYAD LAYDIIN DHIIBTAY .
WAANA MAS UULIYAD IYO XORIYAD XUDUUD LEH EE TAA OGAADA . WAANA LAYDIN KULA XISAABTAMI DOONA .
MAAHA MAS UULIYAD BILAA XUDUUD AH

WA BILLAAHI ALTAWFIIQ 
CALI MAXAMED BIIXI  

 caliwwelli@hotmail.co.uk  Â