Home Wararka Smart Charity Foundation Oo Qalab Kale Duwan Gudoonsiyay Ardayda Dhagolayash ah Ee...

Smart Charity Foundation Oo Qalab Kale Duwan Gudoonsiyay Ardayda Dhagolayash ah Ee Magalada Burco /Sawiro

(SM Burco) Masuuliyinta Ururka Smart Charity Foundation ayaa Xaflad Baladhan Oo ay ku Qabteen Hoolka Xarunta Dowlada Hoose Burco ayaa Agab Kale Duwan oo isugu Jira Qalabka Ciyaraha Gudoonsiyay Ardayda Dugsiga Dhagolayasha Ee Magalada Burco.


Xafladani oo ahayd mid si baladhan loo soo Qaban-Qabiyay Waxa ka soo Qayb-Galay Mayirka Burco.Xildhibaano.ardayda Dhagolayasha ah.iyo marti Sharaf Kale oo aad u Tiro Badan,


Ugu horaynba waxa halkaasi ka hadlay Gudomiyaha Ururka Smart Charity Foundation Saki Ciise iyo Gudomiye ku Xigeenka Ururkaasi Xamdi Xuseen Maxamuud.

waxaanay shegeen in ururkani la Aasay sanadii 2013 isla markaasna waxay shegeen in ururkani yahay mid u tagan Horumarka Dadka Jilicsan Ee Tabalaysan.

Maamulaha Dugsiga Smart School Ee Magalada Burco C/Raxmaan waxaanu fahfahin ka bixiyay Marxadihii kale duwanaa ee u soo maray dugsigani iyo waliba gacanta uu ka gaysto waxyaabaha noocan oo kale ah.


Mustafe Qalab iyo Maxamed Muuse oo ka mid ah Masuliyinta Dugsiga Dhagolayasha Ee Magalada Burco Oo Iyaguna Halkaasi ka hadlay ayaa ardayda Dugsiga Smart ku Amaanay kaalmada wax ku oolka-ah ee ay soo gadhsiyeen ardaydaasi dhagolayasha ah.


Ugu Danbayntii Waxa halkaasi ka Hadlay Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad waxaanu maayirku shegay in loo baahan yahay sidii loo tageri-lahaa ardaydaasi dhagolayasha ah hiil iyo hoona loola garab istaagi-lahaa.


Si Kastaba ha ahatee Maaha markii Ugu Horaysay ee deeq noocan oo kale ah la soo gadhsiyo ardayda dhagolayasha ah ee Magalada Burco.

Â