Tacsi Tiiraanyo Leh Oo Ka Timi Taageerayaasha Xisbiga Wadani Ee Denmark

Tacsi Tiiraanyo Leh Oo Ka Timi Taageerayaasha Xisbiga Wadani Ee Denmark Kuna Socota Qoyska Uu ka Geeriyooday Marxuum Mohamed Hussein Naaleeye (Good Abees).

tacsi21

Aniga oo ah Osman Abdillahi Sool iyo Taageerayaasha Xisbiga Wadani ee Denmark, waxaanu Tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Qoyskii uu ka Geeriyooday Mohamed Hussein Naaleeye (GOOD ABEES) iyo waliba dhamaanba Ciyaartowga Gobolka togdheer…Marxuumka ayaa ku dhintay shil Gaadhi oo ka dhacay wadada Berbera iyo Hargeisa Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun. Kulu Nafsin Daaiqatul Mawt. Marxuum Good Abees waxa uu ahaa Oday Magac iyo Sumcad ku leh Gayiga Somaliland, siiba Gobolka Togdheer oo uu muddo dheer ka soo shaqeeyey dhinca Ciyaaraha, isla markaana ah Gobolka  uu ku dhashay kuna soo barbaaray. 

Af-hayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark.

Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com