WAR DEG DEG AH ALLA HAW NAXARIISTEE WAXAA SHIL BAABUUR KU GEERIYOODAY MOHAMED NAALEEYE GOOD ABEES OO KA MID AH DADKA AADKA LOOGA YAQAANO TOGDHEER

war-deg-deg-ah-160x87

Burco (SM)ALLA Haw Naxariistee  waxa maanta shir gaadhi ku geeriyooday Mohamed Naaleeye Good Abees oo ka mid ahaa Odayasha gobolka Togdheer geeridiisa oo naloo xaqiijiyey waxa uu ku geeryooday Shil Baabuur.Shilkan Baabuur oo ka dhacay jidka isku xidha Berbera iyo Hargaysa.Marxuumka ayaa maydkiisa loo soo wada magaaladda Burco, lana filayaa in lagu Aaso xabaalaha magaaladda Burco.

 

Waxa marxuunku uu ka mid ahaa dadka aadka looga qadariyo gobolka Togdheer,waxaanu hawl badan kasoo qaybtay nabadeynta, horumarka iyo gaar ahaan dhinaca Sportiga oo aad loogu yaqiinay,Dhamaan shaqaalaha shabakada Salaanmedia waxay Tacsi u dirayaa geeridaa naxdinta leh ee ku timid Mohamed Naaleeye Good Abees,Waxaanan si gaar ah uga tacsiyadeynaynaa eheladii iyo qarabadii uu ka baxay in Illahay ka siiyo samir iyo iimaan.

Faysal Maxamed Daahir

Salaanmedia/Burco