War Deg Deg Ah Qarax Goordhaw oo Caawa ah ka dhacay mid kamid ah Masaajida Magaalada Muqdisho

Waxaa Goordhaw oo Caawa Qarax uu ka dhax dhacay mid kamid ah masaajiida kuyaala Magaalada Muqdisho iyo faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya qaabka uu qarxaaasi u dhacay.

news

Qaraxa ayaa ka dhacay Masjidka Sheekh Aweys oo kuyaala Isgooska Ceel Gaabta ee Degmada Xamar Jajab waxaana la sheegay in Nin watay bambaanada gacanta laga tuuro uu gudaha Masaajiidka galay uuna doonayay in uu bamka ka dhax tuuro balse ee bambada ku qaraxday Gudaha Masjidka.

Goob aad ugu dhaw Masaajidka uu Qaraxu ka dhacay waxaa kusugnaa xiligaasi Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo halkaasi baaritaano ka waday , goob joogayaal ayaana ku waramay in Ninkan watay bambada uu galay qeybta weesada ee Masaajidka halkaasan uu uga dhacay bambadii uu watay.

Inta la xaqiijiyay Sadax qof uu ku jiray ninkii bambada watay ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi , waxaana durba Masjidka ka kala caray dadkii ka ag dhawaa iyadoona Ciidamada Dowlada ee Rasaas kor u rideen gudahana durba usoo galeen Masaajidka uu qaraxu ka dhacay.

Lama oga in Ciidanka Dowlada ee ka agdhawaa Masjidka uu Caawa Qaraxa ka dhacay in gacanta ku dhigeen Ninkii qaraxa Bambaano watay oo la tilmaamayo in uu kamid ahaa dadka ku dhawacamay , mana jirana wax faah faahino ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowlada oo ku aadan Qaraxa Caawa ka dhacay Masaajidka kuyaala Degmada Xamar Jajab.