War murtiyeed kasoo baxay safaradda Somaliland ee UK

(SM Hargeysa) Safaaradda Somaliland ee Britain ayaa beenisay dacaayado laga faafiyay maalmihii la soo dhaafay, kaas oo sheegayay in safaaradu ay is hortaagtay banaan-bax lagu taageerayo qaranimada Somaliland oo laga dhigi lahaa London munaasibadda 18-ka.

Safaaradu waxay sidaasi ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada caalamiga ah ee Somalilandtoday, waxaanu u qornaa sidan:-

 “Waxaanu qaar ka mid ah mareegaha ku aragnay nin Camara sita oo dadka reer UK afka ugu ridaya hadallo been abuur ah oo sheegaya inu safiirku joojiyey Bannaanbax ay dadweynaha reer Somaliland ka samayn lahaayeen UK 18 May 2013.

Waxanu halkan ku caddaynaynaa inaanay haba yaraatee jirin cid soo qabanqaabisay bannaanbax oo u timid Safaaraddu, Isla markaana aanay waxba ka jirin wararka noocaas ah ee shabakadaha qaar lagu baahiyey oo loola jeedo in lagu dhex tuuro bulshada si loogu kala qaybiyo.

Waxay safaaraddu mar kale u caddeynayneysaa dadweynaha reer Somaliland inay ku taageereyso wax kasta oo ay jaalliyaddu ku muujineyso qaddiyaddooda lama taabtaanka ah maalintaa qaran ee qaaliga ah.

Waxananu uga digeynaa dadweynaha reer Somaliland inay fiiro gaara u yeeshan shaqsiyaadka jecel inay falal kala fogeyn ah ku soo dhex tuuraan dadka.

Kuwa maanta leh muddaharaad baa lays hortaagay waa kuwii aan ka soo daahirin isla markaana ka soo horjeeday Muddaharaadkii taariikhiga ahaa ee aynu la hor tagnay Baarlamanka EU-da. Markaa bushada waxanu ka codsanaynaa inay iska jiraan shaqsiyaadka iska horkeenka dadweynaha shaqo ka dhigtay.

Safaaraddu waxay bulsho weynta reer Somaliland halkan ugu caddaynaysaa inay dabbaal degi karaan, mudaharaadi karaan, una xusi karaan maalintaa qaaliga ah si kasta oo ay qaddiyaddooda ugu hiilinayaan.

Ugu dambayn waxanu halkan ku caddeyneynaa inaanay dawladdu magacaabin hoggaanka jaalliyadda ee ay jaalliyaddu xaq buuxa u leedahay inay doortaan hoggaankooda, Safaaradduna ay la shaqaynayso marba hoggaanka ay jaalliyaddu doorato.”

Salaanmedia/London