Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale Iyo Madaxda Xisbiga Ucid Oo La Dabaal Degay Jaaliyada Reer Somaliland Ee Magaalada Melbourne Ee Dalweynaha Australia Xuska 18-Ka May. (sawiro)

 

 

Waxa hadaba maanta farxad weyn oo aan la soo koobi karin noo ah in uu dalkan Australia markii ugu horeysay uu nagula ciiday Saacatul wasiir,  Xuseen Cabdi Ducaale. The Right Honorable Minister for Mining, Energy and Water Resources of the Republic of Somaliland.

 

Waxa kale oo aanu iyagana aanu halkan aan uga mahadnaqaynaa wasiirada kala ah Mohamed Nuur caraale Duur iyo Wasiir Dr Sacad Cali Shire oo iyaguna jeclaa in ay nala ciidaan laakiin nasiib daro ay u suuroobi wayday, hawlo qaran oo loo igmaday awgood. Waxa kale oo isna goobtaas habeenkaas ku sugnaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee dalka Australia, mudane Hassan Ahmed Mohamed Hallac. (Hassan Mataan)

 

Hadaba xafladahan oo runtii ahaa kuwo aad loo soo agaasimay ayaa waxay ka qabsoomeen magaalooyinka kala ah sida Melbourne iyo Sydney. Waxa kale oo iyaguna goobtaas ku sugnaa oo xafladahaas ka soo qayb galay madaxda xisbiga Ucid gaar ahaan Engineer Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha guud ee xisbiga Ucid mudane Ahmed Adan Ismail oo ku magac dheer “Keyse”. Waxa kale oo isna aanu halkan uga mahadnaqaynaa musharaxa xisbiga Ucid mudane Jamaal Cali Xusseenoo isna goobtaas nala joogi lahaa laakiin nasiib daro wakhtigu u saamixi waayey.

 

 

Hadaba hadaanu nahay jaaliyada reer Somaliland waa markii ugu horeysay ee ay na soo booqdaan madaxqaran oo intaas leeg. Waana sharaf iyo guul u soo hoyatay dhamaan jaaliyada reer Somalilandee ku dhaqan gobol kasta oo ka tirsan dalweynaha Australia. Waxaanan hada rajeynayaa in ay tani albaabka u furi doonto in sanad walba ay madax qaran ay dalkan Australia soo booqan doonaan isla markaasna ay meesha ka saari doonto hadalkii ahaa “Ustareeliya waa meel fog oo lama gaadhi karo”

 

Waxa kale oo aan halkan aan uga mahadnaqayaa fanaanka weyn ee caanka ah Ciid jaamac Batalaaleoo nooga yimi dalka Ingiriiska (UK) oo habeenkaa xuska 18-ka May wacdaro yaable ka dhigay magaalooyinka kala ah sida Melbourne iyo Sydney. Isagoo halkaas ka qaaday heeso badan oo cusub oo runtii aad u cajab iyo qiiraba geliyey dhamaan dadweynihii ka soo qayb galay xafladaas xuska 18-ka May.

 

 

Waxa kale oo aan mahadnaq weyn aan u jeedinayaa fanaaniinta reer Melbourne oo iyaguna habenkaas goobta wacdaro ka dhigay. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa muusigaystaha weyn ee caanka ah ee laga yaqaano dalka Australia iyo dhamaan aduunka intiisa kale oo idil, waa Mr Siciid Ibraahim oo ku magac dheer Siciid Djabouti. oo isku habeeyey iskuna soo dubariday muusigii macaana ee habeenkaas goobta ka baxaayey. Mr Saeed, You are indeed the best musician that this country has ever seen. Bravo!!!!.

 

Waxa kale oo aan isna aan u mahadnaqayaa Mr DJ  Shankar oo isna ah DJ-ga ugu caansan dalkanAustralia

Waxa kale oo aan iyagana aan mahadnaq gaar ah aan u dirayaa abwaaniinta kala ah Abwaan Osman Ali Bulaale, Abwaan Abdi Ibrahim Hassan iyo Abwaanka dada yar ee qarniga cusub waaAbwaan Ayaanle Hussein (The future Generation of Wisdom) oo iyaguna lahaa heesihii goobta laga qaadaayey habeenkaas xuska 18-ka May.

 

Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Khadra Cali Giire oo ku guulaysatay bilada sanadka oo uu habeenkaas guddonsiiyey wasiir xuseen Cabdi Ducaale. iyo dhamaan dadkii gacanta naga siiyey qabanqaabada xafladan xuska 18-ka May.

 

Ugu danbayntii waxa kale oo aad goor dhaw aad filataan sawiro iyo warbixino kale oo badan oo ku aadan socdaalka Wasiir  Xuseen Cabdi Ducaale uu la qaatay dawlada dalkan Australia iyo dabcan shirkadaha waaweyn ee khayraadka ka baadha qaarada Africa.

Xigasho Hadhwanaag

Sharmake Yuusuf Nuuryey  (BALISHIRE)

 

Melbourne/Australia.
Email: balishire@live.com.au 
Â