Wasiirka Ciyaaraha iyo wafti Uu Hogaaminayo Oo Soo Afjaray Khilaafaadkii Xaasaasi Ee Xulka Kubada Cagta ee G/Togdheer

Wasiirka Ciyaaraha iyo wafti Uu Hogaaminayo Oo Soo Afjaray Khilaafaadkii Xaasaasi Ee Xulka Kubada Cagta ee G/Togdheer Si Wada jir Ahna Uga Soo Qayb Gali doona Koobka Kubada Cagta Ee Jamhuuriyada S/Land Iyo Maamulkii Wasaarada Sportiga G/Togdheer Oo Shaqo Ka Fadhiisin Lagu SameeyayMOHAMED

960191_383842828400441_1660604626_n

Wasiirka Dhalinyarada Iyo Cayaaaraha Cali Siciid Raygal Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo ayaa Maanta (Shalayto) Si Rasmi Ah u Soo Af Jaray Khilaafaadkii Xoogana ee Beryahanba ka dhex Aloosnaa Xulka Ciyaartoyga G/Togdheer 

983657_383841235067267_1739403589_n

Wasiirka Dalxiiska Iyo Ciyaaraha Cali Said Raygal oo Ay Weheliyaan Madaxa Xafiiska Siyaasada Madaxtooyada Bashiir Cabdi Xariir iyo Agaasimaha W/Kaluumaysiga Axmed Cilmi Ilkacase Iyo Agaasimaha Wasaarada cadaalada Maxa ed Muuse X Cabdi (Cawillo Galayr) Iyo Gudoomiyaha Maaamulka gobolka Togdheer Axmed Cumar X C/llaahi (Xamarji) .Iyo Badhasaab ku Xigeenkii Xukuumadii riyaale Guuleed Daahir Samater…Oo xalayto Si lama Filaana u Soo Gaadhay Magaalada Burco Ayaa Shalayto Subax Shir Jaraaid Ugu Qabtay Dhamaan Shaqaalaha wasaarada Ciyaaaraha g/Togdheer Iyo Xulka Ciyaartoyga Kubada Cagta Ee Labada Dhinac Isu Hayay isla Markaana waxaa Si cilmiyaysan Loogu gar Qaaday Dhalinyarta Xulka kubada cagata ee gobolkaasi Waxaana Khilaafaadkii oo Dhan Madaxa loo Saaray Dhamaan Maamul ka Iyo Shaqaalaha wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha G/Togdheer Isla Markaana lagusoo Af jaray khilaafaadkii Dhalinyaradaasi Ku dhex Gaaf Wareegayay Dhanka kale Wasiirka dalxiiska Iyo Ciyaaraha Cali Siciid raygal Waxaa Uu Shaqo Ka fadhiisiin Ku Sameeyay Dhamaan Maamulka Iyo Shaqaalaha wasaarada Ciyaaraha ee G/Togdheer Oo Danbigeedii Ku cadaaday……………Waxaa hadaba Shirkaasi Jaraaid Ka Hadlay gudoomiyaha G/Togdheer Axmed Cumar x C/llaahi (XamarjI) Lasoco video ku saabsan Shirka Jaraa’id Dhawaan Insha Allah.

 

Cabdikhaliq Diiriye Cawad

Salaanmedia/Burco