Wasiirka Waxbarashada oo kulan la yeelatay ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacadaha Suudaan

Wasiirka Waxbarashada oo kulan la yeelatay ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacadaha Suudaan

May 15th, 2013 

Hargeysa (SM)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samzam Cabdi Aadan ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay xubno metelayey Ardayda reer Somaliland ee wax ka barta Jaamacadaha Dalka Sudan.

Marwo Samzam waxa ay ardaydaasi ka xog waraysatay xaaladdooda waxbarasho iyo guud ahaanba duruufaha ay kaga sugan yihiin wadankaasi halka sidoo kalena ay guddoonsiisay Agabkii ay u isticmaali lahaayeen xafladaha ay kaga qayb qaadanayaan Dabaaldegyada lagu maamuusayo munaasabadda xuska 18 May oo ah sanadgguuradii 22-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland dib ula soo noqotay Madaxbanaanideedii.

Dhinaca kalena wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare waxa ay baaq guud u dirtay dhamaan jaaliyad weynta reer somaliland ee daafaha caalamka gaar ahaan Ardayda ku jirta Jaamacadaha dalka dibadiisa iyadoo ka dalbatay inay si diirran uga qayb qaataan xuska munaasabadda 18 may oo ku beegan maalinta sabtida ah ee soo socota.

Salaanmedia/Hargaysa