Wefti Ka Socda Putland Oo Ruxaya Calanka Somalia Oo Iska Soo Galay Deeganada Xingalool Iyo Dhahar Ee Sanaag Bari Iyo Xukumada Somaliland Oo Ka Dhamaan Weyday Xaafadaha Hargaysa

Wefti Ka Socda Putland Oo Ruxaya Calanka Somalia Oo Iska Soo Galay Deeganada Xingalool Iyo Dhahar Ee Sanaag Bari Iyo Xukumada Somaliland Oo Ka Dhamaan Weyday Xaafadaha Hargaysa

May 01,2013 Hargaysa

Wefti ka socday Puntland ayay dadweynaha Reer Xiin-galool shalay si weyn ugu soo dhaweeyeen magaaladaasi halka Maamulkii Somaliland ee deegaanadaasi joogay aanu wax is hortaag ah ku samaynin.

Degmadda Xiin-galool oo ka sokaysa magaaladda Dhahar 70 Km ayay weftiga Reer Puntland ka wadaan Ololaha Doorashada Golayaasha deegaanka ee la filayo dhawaan in ay ka qabsoonto Puntland, iyadoo Doorashadaasi ay ku wadaan barriga sanaag-na in ay ka qabtaan.

Dhawaan waxa magaaladda Badhan ka noqday wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland kaasoo muddo dhawr maalmood ah ku sugnaa wallow joogitaankiisa warar is khilaafsan laga bixiyay balse ujeedadiisa ugu weynayd ahayd in uu muujiyo Gobolkaasi in uu yahay Puntland.

Si kasta ha ahaatee wufuuda Reer Puntland ee gala baxaysa Gobolka Sanaag Barigiisa ayaa muujinaysa debacsanaanta ka jirta dhinaca Somaliland, taasoo u muuqata in ay Xukuumaddu ilowday awoodii ay ku lahaan jirtay Gobolkaasi.

Salaanmedia/Hargaysa