Xisbiga Waddani Oo Si Kulul U Cambaareeyay Dilkii Iyo Dhawacii Ay Ciidamada RRU

Xisbiga Waddani Oo Si Kulul U Cambaareeyay Dilkii Iyo Dhawacii Ay Ciidamada RRU-du Ka Sameeyen Burco, Xukuumaddana U Soo Jeediyay In AY Shacabka Ka Dayso Hantidaada Iyo Caga Juglaynta.

images

Hargeysa(SM) May 14, 2013 – Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si kulul u caambaareeyay shaqaaqadii shalay ka dhacday magalada Burco ee Gobolka Togdheer halkaas oo ay ciidamada RRU-da loo yaqaanaa ay rasaas la dhaceen dad aan waxba galabsan oo shacab ah, Afhayeenka Xisbiga WADDANI xildhiban Ibrahim Mahdi Buubaa oo  maanta shirjaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigaas ayaa sheegay in ay xukuumaddu war cad ka soo saarto cidii amarka siisay ciidamada in ay dad shacab ah rasaas la dhacaan waxanuu yidhi”baryahan  dambe  waxay xukuumadda iyo laamaha amnigu caadaysteen dilalka lagula kacayo dadka cabashada la horyimaad in ay rasaas la dhacdo,waxaad xasuusatan wixii shalay ka dhacay Burco aan ku tilmaami karno aafo qaran,waxana dalka ka jiray dilal baahsan marka laga bilaabo saylac ilaa caynaba,waxanan halkan tacsi uga diraynaa inankii lagu dilay shalay goobtaas oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo macalinimadii hada bilaabay”

sidoo kale waxa uu Afhayeenku sheegay isagoo hadalkiisa sii wata “waxa uu wasiirka arrimaha guduhu sheegay mar uu maalin dhawayd horyimid Golaha wakiilada dawladnimada macneheedu waxa weeye  wax la xidho waxla dilo anaguna taas nasiib daro ayaan ku tilmaamaynaa in xukuumaddu cabudhin iyo caga juglayn dadkeeda kula kacdo waana ayaan daro in ay arrimahanu shacabka ku soo noqnoqoto”

waxa kale oo uu Afhayeenka xisbiga WADDANI u soo jeediyay xukuumada in ay dadka ka saarto madmadawga oo ay sida ugu dhakhsaha badan uga hadasho sidii ay wax u dhaceen, isla markaana sheegay in ay xukuumaddu maasuuliyada wixii halkaa ka dhacay ay ayadu qadayso isgoo sheegay marka laga yimaado dhimashada iyo dhaawaca ay magalada ka dhacday burbur hantiyeed oo baahsan, isagoo intaas sii raaciyay in Badhasaabka Gobolka iyo maayirkuba isku raacay in aanay meeshaba oolin wax loogu yeedho Ciidankan RRU-da  oo aanay ilaa hada ka warhayn meesha ay amarka ka soo qaateen taas waxa laga sugayaabuu yidhi Afhayeenku xukuumadda.

si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee ay Ciidmaadan RRU-da loo yaqaano oo dalka ku cusub ay dad shicib ah rasaas nool la dhacaan ,iyadoo u jeedada ciidankan loo Aasasay ay tahay in ay la dagaalamaan argagixisada iyo in ay ilaaliyaan amniga dadka ajinabiga ah ee dalka ku sugan gaar ahaan madaxda hay’addaha, balse iminka aad moodid in ay la wareegeen shaqadii Booliska  oo loo dirayo meelaha ay mudaharaadadu ka jiraan halkii si kale loola tacaali lahaa, iyadoo xukuumaddu sheegtay in ay diyaaryihiin ciidamada loo tababaray latacaalida mudaharaadyada, balse ilaa iyo hada majirto meel mudaharaad ka dhacay oo lagu arkay marka laga reebo in xabad lagala hortago, iyadoo maalin kasta oo uu mudaharaad ka dhaco dalka uu dad ku dhinto.

 Salaanmedia/Hargaysa

Â